Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay | Afrikada

Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay

Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xarumaha ilaa 7 Wasaaradadood oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa laga jartay korontadii ay ku shaqeynayeen.

Wararku waxaa ay sheegayaan wasaaradahan muddo dhowr bilood ah aysan bixin lacagihii lagu lahaa, taasoo keentay in markii danbe laga jarto korontadii ay ku shaqeynayeen, waxaana Wasaarradahan kala yihiin “

1-Beeraha

2- Ganacsiga

3-Xanaanada xoolaha

4- Patroolka

5-Wasaaradada hawlaha guud iyo dibu-dhiska

6- Wasaradda gaadiidka

7- Boostada iyo isgaarsiinta.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Wasaaradaha laga jartay Korontada heli waayeen lacagihii loogu tala galay adeegyada lagama maarmaanka u ah Wasaaradaha sida biyaha iyo Korontada oo qarash gaar ah wasaarad walba loo siin jiray inay ku dabirto arrimahaas.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay ka doodday Miisaaniyadda dowladda oo ay soo gudbisay Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka oo baxay Wasiirrada iska joogi jirey wasaaradahan la sheegay in laga jartay Korontada.

Dowladda Xasan Cali Kheyre ayaa macaluul siyaasadeedi heysataa kadib markii isaga iyo madaxweynuhu noqdeen mataano wada dhashay oo aan xisaabi dhex oolin, tani oo dalka ku kalliftay in wax isla xisaabtama la waayo, macaluusha siyaasadeedna waxa ay ka soo bilaabatay gobollada dalka oo dowladdu gaari weysay balse xaaladdu ay gaartay ilaa ay iyadii dhexdeeda is gaari weyso, lacagihii balaayiinta ahaana Farmaajo iyo Kheyre cidina ma weydiin halka ay geeyeen, waxaase la isweydiinayaa, ma guryo adduun bey ku dhisteen, mise cid kalaa canshuur iyo baad ka qaadata dowladda federaalka?

Wasaaradahani ayaa iyagu ahaa kuwo “Aan howl ay qabtaanba heynin, xilli wax waliba ay noqdeen, xabad Tareeso ah iyo maxaad iga qaadi kartaa” doorkooduna waxa uu ahaa… dowlad jirtaaba aniguna waan jiri, ee isii lacagta?”

READ MORE:  DHAGEYSO: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay Iyo m/weyne CABDI-ILEY Oo Lagu Xiray Xarunta Ciidanka LIYUU-BOOLISKA

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->