AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe? | Afrikada

AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe?

Afrikada, Muqdisho: Dagaal ayaa ka dhex qarxay qaar ka mid ah kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ee ka dagaalama degaannada Jubbooyinka.

Xubnahani ka tirsan Al-Shabaab ayaa isaga horyimid magaalada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe halkaasi oo dagaalku ka bilowday kadib markii Al-Shabaab ay ka shakiyeen Soomaali ah iyo rag ajaanib ah oo iyagu ku sugnaa qeyboka mid ah Jubooyinka.

Ragga laga shakiyey ayaa lagu weeraray mid ka mid ah masaajidada magaalada Jilib waxaana halkaasi lagu dilay nin u dhashay wadanka Masar oo lagu magacaabo Abuu Anas Al-Misri.

Warar hoose waxa ay inoo sheegayaan in ragga qaar ay Mareyaknak iyo sirdoonka caalamiga ah xiriir hoose la leeyihiin iyaga oo Shabaabka ku biirey waagii maxaakiimta kolkaasi oo si aad ah loo aaminay waxaana ay heystaan hub aad u culus iyo maamulka ciidanka badankiis.

Sirdoon fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa saraakiisha sar sare lacagahooda meel u saara halkaasi oo loogu talo galay in ay dhegta dhiigga u daraan kuwa amarka lagu siiyo in ay dilaan.

Mareykanka ayaa sidoo kale u adeegsada Al-Shabaabka Soomaaliya in ay si hoose u dilaan ragga cul culus ee maarada loo waayey ama dalal kala oo Carab ka soo carara, kuwaasi oo “mission” lagu qaarajiyo.

Sarkaalka isagu lagu magacaabo Anas Al-Misri ayaa watey ajaanib fara badan, waxaana la sheegay in uu ahaa wadaad halis ah oo wadanka Masar dhibaatooyin kale hore uga soo sameeyay.

Waqtiga xaadirka ah magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe waxaa ka taagan xiisad iyadoo dad wejiyadu u duuban yihiin oo Al-Shabaabta CIA-da la shaqeysa ah ay badankood magaalada taladeeda iyo guud ahaan K/Soomaaliya gacanta ku hayaan, Warar Madax banaan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay rag badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku qabteen degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe iyaga oo weydiinaya su’aalo kala duwan.

Xog hoose ayaa sheegaysa in hey’ado samofal ahaan u shaqeeya ay musharaad iyo gunooyin siiyaan kooxahani waxaana bixiya sirdoon dalalka reer Galbeedka u adeega kuwaasi oo isugu jira askar howlgab ah oo horey uga soo dagaalantay Afgaanistaan iyo kuwo xiriir la hel CIA-da, waxaana amarka badankiis uu ka yimaadaa dalalkaasi reer Galbeedka, halka dadka howsha badankeed qabanaya ay yihiin dad Islaam ah oo aan waxba ka ogeyn sida howsha jihaadeyntu u socoto, dadkaasi howsha qabanayase waxaa badankood ay la ildaran yihiin laab-la kac iyo ciil badan oo ay siyaasadaha dunida ka qaadaan, kaas oo looga faa’iideysto in ay naftooda haligaan.

Anas Al-Misri waxaa uu ka soo cararay wadanka Masar oo uu horey kacaano Islaami ah uga soo abuuray, balse waxaa Soomaaliya ku helay kooxo Islaamiyiin Gaan-giiterro abaabulan ah kuwaasi oo badankood gacan ku sameys isku bedelay iyaga oo qaarajiyey hogaamiyeyaashoodii waaweynayd “Dhallinyarada Al-Shabaabta Soomaaliya ayaa u abaabulan qaab Islaami ah…iyaga oo kala haga Islaamiyiinta yar yar ee kacaan raadiska ah”,Sirdoonka Mareykanka ayaa badanaa Islaamiyiinta waaweyn ee uu u ciil qabo ku kediya howlgallo uu badankood dhegta dhiigga ugu daro.

READ MORE:  DAAWO: Telefishinka ESTV Oo baahiyey SHIR JARAA'ID Oo Cabdi Cumar Ku Qabtay JIGJIGA

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
DHAGEYSO: Xildhibaanadii Mooshinka keenay Amar ku bixiyey in Farmaajo uusan dalka ka bixi karin?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray ...
Gudoomiye Mursal Oo gurigiisa laga jaray Korontada, Biyaha iyo Cuntada?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ayaa go'aan ku gaaray in uu ...
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo loo Ogolaaday In ay la Kulmaan Gudoomiye Mursal
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ee iyagu hogaaminaya aqlabiyadda inta badan ee ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->