Madaxweynihii hore Ee Mareykanka Oo la filayo in uu booqdo Kenya | Afrikada

Madaxweynihii hore Ee Mareykanka Oo la filayo in uu booqdo Kenya

Afrikada, Nairobi: Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barrack Obama ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda uu gaaro caasimadda wadanka Kenya ee Nairobi.

Obama ayaa qoyska uu ka soo jeedo waxa ay degan yihiin Kenya iyaga oo balan qaaday in ay mar kale si weyn u soo dhoweyn doonaan wiilkooda.

Sawirada Obama ayaa markale lagu xardhay wadooyinka waaweyn ee dalkaasi iyada oo wargeysyaduna wax ka qoreen safarka mar kale Obama ku tegayo Kenya.

Sarah Obama Oo ah Barack Obama ayeydii Oo Cimreysaneysa Xaramka barakeysan.

Qaraabada Obama ayaa la sheegay in ay yihiin dad muslimiin ah. Waxaana ay ayeydiis mar la wareystay intii Obama uu madaxweynaha ahaa ay sheegtay in ay u Alle baryayso in uu wiilkeeda soo Islaamo.

Qoyska Obama, Kenya.

Waa booqashadii 4-aad ee madaxweynihii hore ee Mareykanku ku tegi doono Kenya halkaasi oo uu la kulmi doono madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Kadib waxa uu u duuli doonaa degaanka K’Ogello ee ismaamul goboleedka Siaya, halkaasi waxaa degan qoyska uu ka soo jeedo gaar ahaan ayeydiis, waxaana uu si rasmi xariga uga jari doonaa mashruuca ‘Sauti Kuu’ oo macnaheedu yahay “Codkeena Xooggan” garoon isboorti, xarun waxbarasho iyo horumarin bulsho, maalinta Isniinta ee fooda inagu soo heysa.

Barack Obama aabihii, iyo Barack Obama, USA.

“Waan ku faraxsanahay in aan booqanayo wadammada Saxaraha ka hooseeya ee Kenya iyo Koonfur Afrika in ka badan inta ay madaxda kale booqatay.” ayaa uu soo dhigay bartiisa facebuuga.

READ MORE:  DAAWO: Al-Shabaab Oo loo geystay in Duqeyntii Ugu Xumeyd Waayahaan, Iyo Ciidammada Jubbaland Oo iyagana lagu daray Duqeynta?

Booqashada Kenya kadib waxaa uu u gudbi doonaa dhanka South Afrika halkaasi oo Obama foundation ay ku soo xaadirisay 200 hogaamiyeyaasha mustaqbalka Afrika kuwaasi oo uu kula hadli doono halkaasi, waxaa sidoo kale uu dalkaasi ka jeedin doonaa khudbad lagu xusayo sanadguuradii 100-aad ee ka soo wareegatay dhalashadii Nelson Mandela.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xarumaha ilaa 7 Wasaaradadood ...
Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo
- Nov 13, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Banaan bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay ...
Dagaal Oromo iyo Soomaali ku dhex maraya degaanka Mooyaale, 7 Dhimasho, 13 Dhaawac
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya degmada Mooyaale waxa ay sheegayaan in ugu yaraan ...
AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dagaal ayaa ka dhex qarxay qaar ka mid ah kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->