AKHRISO: Xildhibaan Aadan Ducaale Oo u digay dhallinta Soomaalida “War Hooy Dhaqankiina ha noqdo mid fiican, iska daaya Daroogada Iyo Shiishadda”

Afrikada, Nairobi:  Mudane Xildhibaan  Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalidu ay aadka u jecel yihiin, ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay Dhallinyarta Soomaalidu ay kor u qaadaan sumcadooda iyo dhaqankooda.

Xildhibaan Aadan oo la hadlayay dadweyne badan oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa dhalinyarada uga digay in ay adeegsadaan Shiishada.

Kenya ayaa horey u mamnuucday adeegsiga Shiishada, waxaana dadka iibiya la sheegay inay wajihi doonaan ciqaab adag.

Aadan Barre ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi looga baahan yahay inay ka fogaadaan adeegsiga Shiishada, maadaama ay dhibaato nafeed iyo mid dhaqaalo xumo leedahay.

Mas’uulkani waxa uu dhinacyo badan ka taageeray Soomaalida isagoo jaamacado u diray dad tiro badan Oo haatan waxbartay kana shaqeysta dal iyo dibad..

Aadan Barre ayaa dhowr jeer oo hore difaacay Soomaalida iyo ganacsigooda guud ahaan Bariga Afrika kolkaas oo siyaasadaha looga soo horjeeday Soomaalida ay cirka isku shareereen, waxa uu ka doodaa baarlamaanada iyo xukuumadaha isaga oo ku qeylo dhaamiya in Soomaalidu yihiin dad asluub leh oo aan la nabsan karin inta isagu joogo.

READ MORE:  DEG DEG: Qaraxyo Is Xig Xiga Oo Ka Dhacay Muqdisho+Al-Shabaab Oo Sheegatay mas'uuliyada

Aadan Barre ayaa asbuucyadii aynu soo dhaafnay gudaha baarlamaanka Kenya isaga horyimaadeen madax heer wasiiro iyo saraakiil sare isaga oo difaacaya dadka asalkoodu Soomaalida ka soo jeedo.

Waxaa uu dhankooda u digay dhallinyarada in ay lafahooda u taxadaraan oo aysan isticmaalin daroogada, waxa uu mas’uulkani sheegay in looga baahan yahay dumarka dhankooda inay ku adkaadaan xerashada xijaabka oo aysan ka tagin dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida.

Mudane Ducaale ayaa ah hogaamiye firfircoon oo dhanka siyaasadda ku jira xisbiga Jubilee ee haya talada wadankaasi Kenya.

Axmed Madoobe: “Madaxweyne Farmaajo Waa Argagixiso” WARXIBIN XASAASI AH.
- Sep 18, 2018
Afrikada, Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:Nin la dilay iyadoo ay fiirsanayaan BOOLISKA Degmada Kaaraan
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la dilay mid ...
DHAGEYSO:Ma jiro Hal Xildhibaan Oo ka hadlay XAALADDA Degaankii laga soo Doortay ?
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa isa soo taraya xuuraansiga sida ay u hadleen xubnihii baarlamaanka federaalka. Dhammaan ...
DHAGEYSO:Khudbadihii QIIRADA LAHAA Ee looga Bartay R/W KHEYRE, “Ma Aqbaleyno Damaca Dowlad Goboleedyada?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ...
DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
%d bloggers like this: