Nin Oday Sheekh ah Oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Afrikada, Muqdisho: Dabley hubeysan ayaa goor dhow wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ku dilay Shiikh caan ah oo magaciisa la oran jiray Sheekh C/llaahi Maxamed Rooble.

Dilka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Tareedisho iyo Tabeellaha Shiikh Ibraahim sida ay sheegayaan dadka eheladiisa ah.

Goob-joogayaal ayaa ku waramaya in dabley hubeysan oo watay mooto ay rasaas ooda kaga qaadeen gaari uu watay Shiikha oo noociisu ahaa NOAH kaasoo xiligaas wadada marayey.

Waxaa kale oo wararku sheegayaan in ninkan la dilay inuu ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka ku soo dooratay magaalada Baydhabo.

Ciidanka ammaanka dowladda federaalka ayaa tagay goobta waxayna Marxuumka geeyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, kahor inta aysan keenin gurigiisa oo ku yaalla xaafada Baar Ha’idhaafin, Waaxda Hantiwadaag ee degmada Waaberi.

Dadweynaha ayaa isweydiinaya Aaway booliskii degaankaas? Maxaa xog baaritaan ah, musawiro, kaamerada qarsoon iwm oo ay soo bandhigi karaan? yaa iyaga laftooda la xisaabtama? Mise lacagta ay bixiso UNDP ayaa hadalka ku dhejisay oo macnaha waxba kama maqna? Mise dharka ay xiran yihiin waa fashion? Iyo su’aalo kale oo badan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Weriye Yoonis Cali Nuur Oo ku geeriyooday London
- Jul 20, 2018
Afrikada, London: Wariye Yonis Cali Nuur oo muddo ku dhaw 30 sano u ...
DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
%d bloggers like this: