Jubaland Oo ceyrisay mas’uul Ciidan+Xilli la dareemi karo Isgaarsiin Xumada heysata maamullada dalka ka taliya | Afrikada

Jubaland Oo ceyrisay mas’uul Ciidan+Xilli la dareemi karo Isgaarsiin Xumada heysata maamullada dalka ka taliya

Afrikada, Kismaayo: War cad oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa lagu sheegay si toos ah garoonka diyaaradaha looga celiyay wefdi uu hoggaaminayo taliye cusub oo loo soo magacaabay ciidamada guutada 43-aad ee dowladda u qaabilsan gobolada Jubbooyinka.

Taliyahan cusub ayaa lagu magacaabaa General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow), waxaana dhawaan loo magacaabay guutada 43-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose

Gen. Bagmadoow oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse sanadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada jananimada loo dalacsiiyay bishii hore.

Sida ku cad qoraalka ku soo baxay bogga Jubbaland, soo magacaabista taliyaha ayaanan waafaqsanayn sida uu nidaamka ahaa, waxaana la yiri “Dowladda federaalka oo iska indha tireysa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galey 11-May-2017 magaalada London ee dalka Ingriiska , heshiiskaas qodobkiisa 20-aad ayaa qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada, qodobka ayaa sheegaya in Dowladda federaalku kaliya ku soo magacaabi karto taliyaha qeybta kadib markii ay latashi kala sameyso madaxweyna Dowlad goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka lasoo magacaabayo”.

READ MORE:  DEG DEG: Al-Shabaab Oo Sheegtay In ay Qabsatay Baarar Lagu Caweeyo Oo Ku Yaala Xeebta Liido? DHAGEYSO

Qoraalka ayaa waxaa intaas lagu sii daray “Dowladda federaalku maysan wax talo ah ka weydiinin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam magacaabida taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee XDS ee ku sugan Kismaayo , taas oo ugu danbeyn buuq keentey sababteyna in saaka diyaaraduu xamar kaga yimid lagu celiyo taliyihii loo soo magacaabey qeybga 43-aad ee XDS Gen. Cali Bogamdow”.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda federaalka, balse arrintan ayaa imanaysa xilli la isu diyaarinayo shirka arrimaha amniga looga hadlayo ee dhawaanta ka furmayo magaalada Brussels.

Waxaa shirkaas ku wada casuuman madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Arrintani ayaa muujineysa xiriirka xun ee aan isgaarsiinta xitaa laheyn ee dowladda federaalka iyo maamullada gobollada ka dhexeeya.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xarumaha ilaa 7 Wasaaradadood ...
Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo
- Nov 13, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Banaan bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay ...
Dagaal Oromo iyo Soomaali ku dhex maraya degaanka Mooyaale, 7 Dhimasho, 13 Dhaawac
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya degmada Mooyaale waxa ay sheegayaan in ugu yaraan ...
AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dagaal ayaa ka dhex qarxay qaar ka mid ah kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->