Erdogan Oo ku guuleystay dacwad maxkamadeed oo uu Soo gudbiyay hogaamiyaha mucaaradka Turkiga | Afrikada

Erdogan Oo ku guuleystay dacwad maxkamadeed oo uu Soo gudbiyay hogaamiyaha mucaaradka Turkiga

Hogaamiyaha mucaaradka Turkiga Kemal Kilicdaroglu ayaa maxkamadi ku amartay in uu bixiyo kharash dhan 95,000 oo liiraha Turkiga ah una dhiganta ($19,500) kadib markii hogaamiyahaasi uu aflagaado u geystay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Maxkamadda 6-aad ee shacabka ayaa ku taalla magaalada caasimadda ah ee Ankara, waxaana kadib dhageysi dhacay maalinta Jimcaha lagu xukumay Kemal Kilicdaroglu in uu deg deg u bixiyo lacag ganaax ah sababo la xiriira intii dacwaddu socotay oo uu fowdo u geystay iyo dhibaato u geystay madaxweynaha haatan talada haya.

Sidoo kale Kilicdaroglu ayaa lagu eedeeyay in uu weerar u geystay qoyska iyo shaqsiyadda madaxweyne Erdogan.

Bishii Juun ayaa Kilicdaroglu waxa uu sidoo kale ku guuldareystay labo dacwadood oo kale oo uu ka qoray madaxweynaha talada haya waxaana hore loogu ganaaxay 339,000 liiraha Tukriga ah, sababo la xiriira waxyaalaha uu madaxweynaha ka sheegay oo ahaa kuwo weerar ahaa.

Hogaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu

READ MORE:  DEG DEG: R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Oo ka degay Asmara, Eritrea

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->