DAAWO: Yaa Hurinaya Colaadda TUKARAQ?, Musharax Jibriil Oo ku Soo Caan baxaya Dhiigga Shacabka TUKARAQ | Afrikada

DAAWO: Yaa Hurinaya Colaadda TUKARAQ?, Musharax Jibriil Oo ku Soo Caan baxaya Dhiigga Shacabka TUKARAQ

Afrikada, Tukaraq: Sida caadada ah waxaa Soomaalidu jeceshahay ‘ninka dagaalama’ ama sokeeye hilfaha ha u qaado ama shisheeye e.’

Waxaa isa soo taraya in ay jirto in musharixiinta dowlad goboleedka Puntland ay u tartamayaan sidii nin waliba uu ninka kale uga ‘Dhiig Cabis’ badnaan lahaa si loo yiraahdo ‘Alleylehe Ninkii Musiibada ahaa ayaanu dooraneynaa”

Tartanka doorashada Puntland waxaa haatan ka soo qeybgalay musharax madaxweyne oo la yiraahdo Col. Jibriil kaasi oo si waalan hubka ugu daabulaya meelaha dagaalladu ka socdaan ee maamulkaasi Puntland.

Waxa uu hub culus iyo hurin colaadeed ka sameynayaa ninkaani degaannada TUKARAQ ee gobolka Sool si magaciisa loogu qoro meelo badan isla markaasina ay dadku u doortaan, Tartanka loo loolamayo ayaa ah midka madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019.

Hoos ka daawo Korneyl Jibriil Maxamed Yuusuf Oo gashaday direyska ciidanka isagoo hub iyo hanti fara badan u daabulay bartilmaameedyada ‘Dhiiggu ku Daadanayo” ee gobolka Sool.

Mudane C/Weli Gaas oo isagu dagaalkani soo bilaabay ayaa dib u degay sababo la xiriira beesha caalamka iyo hey’adaha gargaarka oo uga digay in uusan ku biirin hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya oo hey’adaha qaar ay diiwaangelin ku hayaan waqti xaadirkani. Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale waxaa uu isagu yahay ninkii soo bilaabay dagaalkani walow lagu soo jebiyay, balse shacabka Puntland ayaa waxaa u muuqata in ay helaan nin musiibo ah oo u soo aarguda, iyaga oo aan fiirineynin musiibada bani’aadanimo iyo dadka ku waxyeeloobaya colaadaha.

READ MORE:  Immisa Goobood ayey ku filnaan la' yihiin Ciidammada Dowladdu? AKHRISO xog kooban

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xarumaha ilaa 7 Wasaaradadood ...
Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo
- Nov 13, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Banaan bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay ...
Dagaal Oromo iyo Soomaali ku dhex maraya degaanka Mooyaale, 7 Dhimasho, 13 Dhaawac
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya degmada Mooyaale waxa ay sheegayaan in ugu yaraan ...
AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dagaal ayaa ka dhex qarxay qaar ka mid ah kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->