DAAWO: Jubaland Oo lacag Kaash ah Gudoonsiisay Nin ‘Qaatil’ ah Oo Al-Shabaab ka tirsan

Afrikada, Kismaayo: Dowladda Ismaamulka Jubaland ayaa la soo sheegayaa in ay lacag badan gudoonsiisay nin halis ah oo ka tirsanaa kooxaha mayalka adag ee Al-Shabaab. Warar ay sii deysay hey’adda nabadsugidda ee dowladda Jubaland ayaa lagu sheegay in dagaalyahankani uu isa soo dhiibay.

Ninkani oo magaciisa lagu sheegay Aadan Hudow, ayaa la sheegay in uu yahay nin ka soo goostay Al-shabaab sidaa darteedna maamulku xoogga saarayo sidii loo soo jidan lahaa xubnaha dagaalyahanka Al-Shabaab ee forimaha hore ku jira, maadaama xal loo arkay in wixii dhallintu ay rabaan loo qabto.

Dableygani ayaa ku hubeysnaa qoriga noociisu yahay AK-47 waxaana la tilmaamay in lacag doollar ah oo kaash ah ay maamulku siiyeen ninkaasi maadaama uu afka uun ka sheegay in uu dagaalka ka tanaaaulayo.

Horay maamulkaasi waxaa uu sidaasi oo kale sheegay inuu qoryo lacag ugu badalay xubno ka soo goostay Al-Shabaab.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Al-Shabaab ayaa ah ururu argagixiso ah oo cilaaqaad badan la leh qeybo ka mid ah dowladdaha gobollada, tan federaalka, AMISOM iyo meelo kale oo badan, ma jirto dagaal cirib tir ah oo weli Soomaalidu ku qaaday kooxdani khatarta ah, waxaana warbixin dhowaan ay qoreen jaamacadaha caalamiga ah ay dhigtay in ciidammada Kenya, Al-Shabaab, Jubaland iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamullada gobolka ay wadaagaan sir hoose oo ay ka mid tahay ka ganacsiga dhuxusha, gooshinta sonkorta iyo howlo kale oo badan.

READ MORE:  DHAGEYSO:Oromada oo Go'doomisay Qoysas Soomaali ah+Qoysas la gumeysanayo?

Sida ay majaladda Afrikada.com warbixin ku heshay waxaa jira kooxo badan oo beer-dulucsada maamullada gobollada ee cadaadisku saaran yahay si loo soo gudbiyo nimanka soo goosanaya kuwaasi oo aan xitaa heybtooda iyo cid damaanad ka ah midna aan la iska hubinin. Waxaana ay si toos ah ugu gudbaan magaalooyinka waaweyn iyagoo musiibo bani’aadam ka geysta goobahaasi.

Maadaama dalka Soomaaliya aysan ka jirin talis xanaaneeya ama xabsiyo ku meel gaar ah ayaa maleeshiyaadkani Dadka Gowraca waxaa lagu sii dhex daayaa bulshada, iyadoo sida aad u jeedaan lacag loogu darayo.

DAAWO AL-SHABAAB OO LACAG LA SIINAYO:

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Al-Shabaab Oo ku Sii Qulqulaya Degmooyin ka tirsan Galgaduud
- Sep 21, 2018
Afrikada, Galgaduud: Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo aad u hubeysan oo ka ...
WAR DEG DEG AH:Gabar kale oo ardayad ah Oo inta JAAMACAD Loogu Galay madaxa laga toogtay?
- Sep 21, 2018
Afrikada, Muqdisho: Warar haatan ina soo gaaraya ayaa sheegaya in gudaha jaamacadda Soomaaliya ee ...
Wufuuda Golaha Aqalka Sare oo Kismaayo Kula Kulmay Odayaasha Dhaqanka Iyo Haweenka
- Sep 21, 2018
Afrikada, Jubaland: Madaxda ka socota golaha aqalka sare ee dowladda federaalka ayaa gaaray magaalada ...
AKHRISO SIRTA ku jirta Soomidda maalinta Yowmul Cashuuraa Ee bisha Muxaram?
- Sep 21, 2018
Afrikada, Nairobi:  Maalmaha Ilaahay s.w.t. ee billowga sannadka Hijriyada ee Ilaahay s.w.t. barakeeyay, waxaa kamid ...
DHAGEYSO: Dagaal culus Oo ka dhacay Faafax-Dhuun
- Sep 20, 2018
Afrikada, Jubaland: Dagaal culus caawa ka dhacay meel u dhow degaanka Faafax-dhuun oo ...
%d bloggers like this: