AKHRISO: Ciidamo la isku Soo Daabulay iyo AMISOM Oo madaafiicdeeda Goobta U jiidatey magaalada Jalalaqsi | Afrikada

AKHRISO: Ciidamo la isku Soo Daabulay iyo AMISOM Oo madaafiicdeeda Goobta U jiidatey magaalada Jalalaqsi

Afrikada, Jalalaqsi: Wararka ka imaanaya magaalada Jalalaqsi ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen ciidammo ka socda dowladda federaalka.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidoow oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in magaalada Jalalaqsi ay soo gaareen ciidamo fara badan oo isku diyaarinaya in ay la wareegaan deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada degmada Jalalaqsi.

Wararka ayaa sheegay magaalada Jalalaqsi ciidamo isku dhaf ah oo dowladda ahi halkaasi buux dhaafiyay kuwaasi oo saraakiisha ciidanka ay sheegeen in ay halkaasi ku sugayaan ciidamo kale oo ka imaanaya jihada gobolka Shabeellaha Dhexe degmadiis Qalimoow halkaasi oo labada ciidan isaga darsami doonaan.

Dhanka Al-Shabaab waxa ay isku dayeyaan inay dib u gurtaan maadaama ciidan ka awood badan la dul dhigay degmada Qalimoow.

Howlgalka ka dhanka ah Al shabaab ayaa sido kale waxaa ka qeyb ah ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaasi oo iyagu wata Howitzer-rada, madaafiicda goobta iyo hubka culus.

Dowladda Soomaaliya ayaa sii laba jibaareysa cadaadiska ay saareyso Al-Shabaab walow weli wax dagaallo ah aan la soo sheegin oo ciidammadu is horfadhiyaan.

READ MORE:  Saraakiisha Puntland Oo Howlgallo Amni ka Bilaabay Garoowe iyo Boosaaso?

Saldhigga Ciidammada Jabuuti ee gobolka Hiiraan

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xarumaha ilaa 7 Wasaaradadood ...
Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo
- Nov 13, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Banaan bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay ...
Dagaal Oromo iyo Soomaali ku dhex maraya degaanka Mooyaale, 7 Dhimasho, 13 Dhaawac
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya degmada Mooyaale waxa ay sheegayaan in ugu yaraan ...
AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dagaal ayaa ka dhex qarxay qaar ka mid ah kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->