Uhuru Kenyatta: “Anigaa Tillaabo Ka Qaadaya Soomaaliya, Ee I siiya Diyaarado Casri ah Iyo Hub Culus+Mareykanka Oo Ku Gacan Seyray”

Afrikada, Nairobi: Wararka inaga soo gaaraya magaalada Nairobi ee cariga Kenya ayaa sheegaya in dowladda Mareykanku ay ku gacan seyrtay dalab ka yimid wadammada deriska la ah Soomaaliya kana digtay in rayidka la duqeeyo.

Xog hoose oo ku dhow madaxtooyada ‘State House’ ee magaalada Nairobi ayaa sheegaysa in m/weynaha Kenya Uhuru Kiinyaata uu kulan ka yeeshay jeneraalka abaanduulaha ka ah Saldhigga ciidammada ee AFRICOM, jeneraal General Thomas Waldhauser.

Wadanka Kenya ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka taagnaa rabshado ay kooxaha Al-Shabaab ka wadaan gobollada Waqooyi Bari, hase yeeshee kulanka jeneraal Thomas ayaa ku soo beegmay falalka argagixiso ee xuduudka Soomaaliya ka dhaca muddooyinkan.

Kenya ayaa codsatay in la siiyo diyaarado iyo hub culus si milleterigeedu u cirib tiro kooxaha argagixisada ee soo ka soo gudba xuduudka dalka Kenya. Hogaanka taliska guud ee milliteriga Mareykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM) Thomas Waldhauser waxaa uu ku ammaanay Uhuru Kenyatta kaalinta dadaalkiisa ku aadan sidii Nabad looga dhigi lahaa Soomaalia iyo kaalinta ay ciiddanka Kenya kaga jiraan garabsiinta ciidanka AMISOM gudaha wadanka Soomaaliya.

READ MORE:  Dil Muqdisho Loogu geystay 3 Wiil oo walaalo ah+Akhri magacyada

Balse Taliyaha ayaa ka gaashaantay in weli Mareykanku aanu lug weyn ku laheyn hubeynta wadammada Soomaaliya ka taageera la dagaalanka argagixisada.

Muddooyinkani ayaa waxaa soo kordhayay weeraro lagu qaaday degaanada xuduudka la leh dalka Kenya oo ay ka mid yihiin Wajeer, Gaarisa iyo meelo kale oo badan, iyadoo jidadka loo galo lana qarxiyo ciidammada Kenya ee gudaha dalkaasi, waxaana weeraradani sheegta kooxaha Al-Shabaab.

Kenya oo ciidammadeeda aad u hubeysan yihiin weliba dhanka cirka iyo badda ayaa ku jawaabta duqeymo diyaaradeed oo ay ka fuliso degaannada fog fog ee gobolka Gedo, sidoo kale waxa ay garaacdaa tuulooyinka iyo baadiyaha xoolaleyda Soomaalida.

Diyaaradaha ayaa ka aargoosta haddii dhanka Soomaalida weerar ka yimaado.

Warar kale oo kulankani ku saabsan ayaa sheegaya in madaxweyne Kenyatta uu taliyaha u sheegay in Soomaaliya laga adkeeyo dhanka hogaanka. Waxaa uu kula taliyey in dowladda madaxdeeda ay meel cidlo ah taagan yihiin oo ay weysay kalsoonidii maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

READ MORE:  DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Xarunta Taliska Ciidamada…

Uhuru ayaa ka digay qorsheyaasha Farmaajo ee ku saleysan in uu iskaashi xumo kala kulmayo wadamo badan oo horey ugu heelanaa Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in amni xumada Soomaaliya wajaheyso ay khatar ku tahay amniga xuduudaha Kenya.

Jen. Thomas Waldhauser ayaa ku jawaabay in loo baahan yahay in fedraalku la shaqeeyo gobollada kale ee Soomaaliya.

Labadani mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha dalkaasi Koonfurta Suudaan.

Axmed Madoobe: “Madaxweyne Farmaajo Waa Argagixiso” WARXIBIN XASAASI AH.
- Sep 18, 2018
Afrikada, Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:Nin la dilay iyadoo ay fiirsanayaan BOOLISKA Degmada Kaaraan
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la dilay mid ...
DHAGEYSO:Ma jiro Hal Xildhibaan Oo ka hadlay XAALADDA Degaankii laga soo Doortay ?
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa isa soo taraya xuuraansiga sida ay u hadleen xubnihii baarlamaanka federaalka. Dhammaan ...
DHAGEYSO:Khudbadihii QIIRADA LAHAA Ee looga Bartay R/W KHEYRE, “Ma Aqbaleyno Damaca Dowlad Goboleedyada?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ...
DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
%d bloggers like this: