La Yaabkii ka dhacay Ciyaarihii Semifinalka Koobka Adduunka iyo Qaabkii Croatia U dabaaldegtay
Dabaaldegyo Culus ayaa ka dhacay ciyaartii Croatia ay ku timid guulaha finaalka ee ciyaarihii koobka adduunka, waxaa siyaabo kala duwan u dabaaldegay kooxda Croatia, iyadoo goobta ay ku sugneyd madaxweynaha wadankaasi haweenayda Kolinda Grabar-Kitarovic.
Sawiro kala duwan ayaa ay warbaahintu ka soo diyaariyeen wacdaraha inta uu socdo koobka dunida, Sawirka hoose ayaa la qaaday xilli ay madaxweynuhu joogtey xaflad abaalmarin lagu gudoonsiinayey.

Madaxweynaha wadanka Croatia Grabar-Kitarovic
xilli ciyaareedkani ayaa waxaa muuqaalka hoose laga duubay haweenayda madaxweynaha ka ah dalkaasi oo iyadu kooxdeeda ku booqatay halka ay ku jiraan kooxda Croatia ee finalka u soo baxday.
Mid ka mid ah xafladaha ay ka qeybgashay madaxweynaha Croatia ayaa warbaahinta la isla dhex qaadayaa iyadoo munaasabadani ay la yaabkeeda laheyd xilli ay abaalmarin siinaysay koox ka tirsan samafalayaal reer Croatia ah.
Waa koox wadanka Finland ka geysata arrimo samofal waxaana sawirka uu muujinayaa ninka lagu magacaabo Ivan Zvonimir Čičak oo surwaalku ka dhacayo xilliga la gudoonsiinayo abaalmarinta iyadoo madaxweynuhu ay garab taagan yahay.
MID KA MID AH SAWIRADII AY GASHAY MADAXWEYNAHA CROATIA:
\
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<