Gudoomiyaha G/Banaadir Oo sheegay in Tillaabo adag laga Qaadi doono Shaqaalaha “Iska Qaata” Mushaharka Dowladda | Afrikada

Gudoomiyaha G/Banaadir Oo sheegay in Tillaabo adag laga Qaadi doono Shaqaalaha “Iska Qaata” Mushaharka Dowladda

Afrikada, Muqdisho:   Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa shaaca ka qaaday in tillaabo adag laga qaadi doono shaqaalaha dowladda hoose gaar ahaan kuwa aan soo xaadirin shaqada isla markaasina uu u socdo mushaharka dowladda.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in maxkamad la soo taagayo shaqaalihii ay ku soo cadaato in 5 bilood ee la soo dhaafay uusan shaqeyn mushaarna qaatay, sidoo kalena dhammaan lacagihii uu qaatay laga soo celinayo.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in aysan aqbali doonin in mushaar aan shaqadiisa la qaban la qaato hada kadib, waxa uu gudoomiyaha tilmaanay in hoos loo dhigi doono tirada shaqaalaha haatan ka shaqeeya gobolka.

Waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn in shaqaale badan ay gobolka ka sii shaqeeyaan iyaga oo qaarkood aan soo xaadirin shaqada, islamarkaana ay dhamaatay xilligii Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta lagu tashan jiray.

“Shaqaalaha aan shaqa qaban ee mushaar iska qaata gobolkan ma xamili karo, shacabkana aysan ogolaan Karin, sidaas darteed waxaan bilaabeynaa isla xisaabtan dhab ah, 5-tii bilood ee ugu dambeysay shaqaalihii mushaar qaadanayay hadana aan shaqo qaban hay’adaha garsoorka ayaan u gudbineynaa talaabo sharciga waafaqsan ayaana laga qaadaa, lacag kasta oo gobolka uu ka qaatayna dib ayuu u soo celinayaa,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

READ MORE:  Uganda: "Askar ayaa nalooga laayey Booqashadii M/weyne Farmaajo ee degmada Marka"

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu maanta daah furay barnaamij lagu tayaynayo shaqaalaha gobolka laguna bilaabayo isla xisaabtan dhab ah.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xarumaha ilaa 7 Wasaaradadood ...
Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo
- Nov 13, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Banaan bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay ...
Dagaal Oromo iyo Soomaali ku dhex maraya degaanka Mooyaale, 7 Dhimasho, 13 Dhaawac
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya degmada Mooyaale waxa ay sheegayaan in ugu yaraan ...
AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dagaal ayaa ka dhex qarxay qaar ka mid ah kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->