Dowlada Shiinaha Oo Soomaaliya ka Taageeri doonta La Dagaalanka Argagaxisada

Afrikada, Beijing: Wararka inaga soo gaaraya caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconayo kulanka Afrika iyo Shiinaha.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Afrika iyadoo ay goobjoog ka tahay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Shiinuhu.

Kulankan heer wasiir ayaa ah mid saameyn weyn ku leh wadammada Afrikaanka. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha Mr. Wang Yi ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka dalal Islaam ah waxaana dalalkaasi ka mid ah wadammada Yemen, Soomaaliya, Tuniisiya, iyo wadanka Liibiya.

Wasiiradan ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay aqalka Shacabka ee caasimadda Beijing ee Dalka Shiinaha.

Kulanka dhexmaray Wasiiradaha Arrimaha Dibadda Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa waxa ay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka, ganacsiga iyo qodobo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa Wasiir Wang Yi u sharaxay Horumarka Soomaaliya ka socda, isagoo u sheegay in isbedelo guul ah laga sameeyay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ugu dambeyn balan qaaday in xukuumaddiisu in ay xoojin doonto xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan la dagaalanka Argagixisada. Waa markii ugu horeysay ee Shiinuhu soo hadal qaado la dagaalanka dhanka argagixisada ee dalka Soomaaliya.

Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa shirkii uu ka qeyb galay oo uu khudbad ka jeediyay ka sheegay in Soomaaliya ay ku taalo Goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in Xiriir Taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhexmaray.

Wadammadan ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin siyaasadeed waxaana danjire Cawad uu ka hadlay mashaakilka siyaasadeed iyo horumarka ay dowladdiisu ka gaartay dhinacyo badan.

Shiinaha ayaa hore uga mid ahaa dalalkii Soomaaliya u balanqaaday dhismaha garoonka ciyaaraha caalamiga ah ee Stadium Muqdisho, iyo dayactirka Tiyaater-kii Qaranka, balse weli howshaasi lama dhameystirin.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO SAWIRADA: Al-Shabaab Oo Hadiyad Gudoonsiisay Oday Dhaqameedyo, mideysayna Qabaa’il dega meelaha ay ka taliyaan?
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wararka inaga soo gaaraya gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ...
Wasiir C/risaaq: “Dowladdu Ma Gaarsiisna Heerkii La rabey, Waa Sii baaba’aynaa Ee aan Wada hadal la galno Al-Shabaab..?”
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed hadana ah mudane ka ...
Shacabka Muqdisho Oo dareemaya In aysan iyagu laheyn “Dhulka ay u Dhasheen” Maxaa ka maqan Reer Muqdisho Oo ay u Degi la’yihiin???
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dadka reer Muqdisho oo lagu tilmaamo in ay yihiin "madaxii wadanka" ayaa ...
AKHRISO: Midowga Yurub Oo DegDeg U Bixiyeen Lacago intuusan Shirka Brussels ku bilaabmin
- Jul 16, 2018
Afrikada, Brussels: Waxaa Midowga Yurub ay khasnadahooda ka soo faqeen malaayiin doolar oo laga ...
DAAWO: Hal Arrin Oo ay Al-Shabaab Si Xun Uga Naxeen Oo Muqdisho Ka Dhacday
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Hal arrin oo cabsi galisay dad badan ayaa ka dhacday Muqdisho. Waxaana ...
%d bloggers like this: