DEG DEG: Dowladda Mareykanka Oo Dhimaysa Dhaqaalaha Ay Ku Bixiso Dagaalka Al-Shabaab

Afrikada, Washington: Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay yareeneyso gargaarka milatari ee ay ku bixiso la dagaalanka Ururo ay ku sheegtay in ay ka tirsan yihiin Argagixisada ee Qaaradda Afrika.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa xusay in gebi ahaan aysan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Boko Xaram oo ka dagaalama dalalka Nigeria iyo Somalia.

Warkan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa ku soo beegmaya, xilli Ururadaasi ay khatar weyn ku hayaan ammaanka dalal badan oo ku yaalla Qaarada Afrika.

Mareykanka ayaa illaa iyo sanadkii 2017-kii lix askari oo ka tirsanaa Ciidamadiisa gargaarka ah looga dilay dalalka Nigeria iyo Somalia, xilli ay ku jireen howlgallo ka dhan Al Shabaab iyo Boko Xaram.

Dhaqaalaha uu Mareykanka ku bixiyo la dagaalanka wax uu ugu yeeray argagixisada ee dalalka ka hoose saxaraha ee Qaarada Afrika ayaa sare loo qaaday, iyadoo gaartay 954 Milyan oo Dollar.

READ MORE:  Ciid Wanaagsan - Ciid Mubaarak - Ciidul Fitri.

Mareykanka ayaa waxaa haatan Qaarada Afrika ka jooga jooga 7,000 oo askari oo qaar ka mid ah ay ku sugan yihiin gudaha Somalia, halkaas oo ay ka fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Pentagonka Mareykanka ayaa Wargeyska New York Times hore ugu sheegay in 50% ay dhimi doonaan howlgallada la dagaalanka argagixisada ee Afrika.

Xigasho: radio Shabelle

Axmed Madoobe: “Madaxweyne Farmaajo Waa Argagixiso” WARXIBIN XASAASI AH.
- Sep 18, 2018
Afrikada, Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:Nin la dilay iyadoo ay fiirsanayaan BOOLISKA Degmada Kaaraan
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la dilay mid ...
DHAGEYSO:Ma jiro Hal Xildhibaan Oo ka hadlay XAALADDA Degaankii laga soo Doortay ?
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa isa soo taraya xuuraansiga sida ay u hadleen xubnihii baarlamaanka federaalka. Dhammaan ...
DHAGEYSO:Khudbadihii QIIRADA LAHAA Ee looga Bartay R/W KHEYRE, “Ma Aqbaleyno Damaca Dowlad Goboleedyada?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ...
DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
%d bloggers like this: