DAAWO:”Nin Qori Wata ayaa I Kufsaday”+Wareysi Haweenay 85 jir ah Oo lagu kufsaday Hirshabeelle

Afrikada, Jowhar: Wararka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in laamaha amaanka maamulkaasi amar lagu siiyey in gacanta lagu soo dhigo dadkii kufsiga u geystay haweeney da’ deeda lagu sheegay 85 jir.

Waxaa amarkani bixiyey ku xigeenka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlawe oo ka warbixiyay safarkii ay ku maaqnaayeen ayaa intaasi kadib waxa uu amar ku bixiyay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigaan isla markaana sharciga horkeenaan dadkii ka dambeeyay fal kufsi ah oo loogu geystey mid kamid ah xeryaha barakacayaasha magaalada Jowhar haweeney 85 sano jir ah.

“Waxaan u ballanqaadayaa abaalmarin wanaagsan ciddii gacan ka geysata sidii loo soo heli lahaa dadkii ka dambeeyay falka kufsiga ah oo aan hore loogaga baran gobolka Shabeellaha Dhexe.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Hore ayaa waxaa loo soo bandhigay 3 qof oo la tuhunsaneyaal ah kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay hayaan khabaar ku saabsan qaabka loo kufsaday haweenaydani.

Falka noocani ah ayaa ah mid ku cusub bulshada Soomaaliyeed iyadoo diinta Islaamka marka loo eego uu falkani yahay mid banni’aadanimada ka baxsan isla markaasina aan la ogeyn waxa ujeedkiisu yahay.

DAAWO WAREYSI LALA YEESHAY HAWEENEYDA OO CABANEYSA:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Weriye Yoonis Cali Nuur Oo ku geeriyooday London
- Jul 20, 2018
Afrikada, London: Wariye Yonis Cali Nuur oo muddo ku dhaw 30 sano u ...
DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
%d bloggers like this: