Subscribe

10-ka Hogaamiye Ee Ugu Taajirsan Afrika+Iyo Sida ay ku heleen Balaayiin doolar

 

-7-

 

Boqor Mswati

 

Waa Boqorka wadanka Swaziland

Waxuu talada hayay 28 Sano.

Waxa uu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $100 Million

Sida uu qoray wargayska “Forbes Magazine” ee kasoo baxa dalka Maraykanka, Marka la barbar dhigo dunida, qoyska Boqorka Miswaatiga 3-aad “Mswati III” waa qoyska ama reerka 15-aad ee dunida ugu taajirsan.

Boqor Miswaati waa boqorka hada xukuma dalka Iswaazilaan, waxuuna gaar uleeyahay waqtiga la joogo hanti kabadan amaba kor udhaafaysa “$100 Million” Boqol miliyan oo doolar, Balse laba sano kahor sanadkii 2012-kii waxa uu haystay hanti celcelis ahaan gaaraysay “$200 Million” Laba Boqoloo Milyan oo doolar, taa macnaheedu waxaa weeye waxuu lumiyay labadii sanoo lasoo dhaafay boqol milyanoo doolar.

Boqor Miswaati waxaa lagu eedeeyaa inuu hantida qaranka kulumiyo waxaan dalka iyo dadkaba dani ugu jirin, xagaaga sanadkii 2009-kii ayay ahayd markuu boqorku lacag “$6 Million” Lix milyan oo doolar ahayd uu ku qarash gareeyay, qaar kamida Sadddex iyo tobankiisa xaas adeegoodii oo kaliya.

Sanadkaan 2014-Ka waxay baarlamaaanku u ansixiyeen sanad miisaaniyadeedka Boqorka Lacag dhan “$61 Million” Lixdan iyo Hal milyan oo doolar, Sidoo kale mid kamida Baabuurtiisa Raaxada ayaa qiimihiisu dhanyahay $500,000 Shan boqoloo kun oo doolar.

Hadaba dhanka kale Boqorkaan raaxada ku jira ayay dadkiisu boqolkiiba lixdan iyo saddex “63%” calaa qof waxa ay ku noolyihiin maalintii $2 Laba doolar oo qura.

 

-Previos-       -Next-

Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...