Madaxweyne Farmaajo Oo ‘Nin Xanuunsan’ ku tilmaamay m/weynaha Galmudug | Afrikada

Madaxweyne Farmaajo Oo ‘Nin Xanuunsan’ ku tilmaamay m/weynaha Galmudug

Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaale ‘Nin Xanuunsan’ ah u soo qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ‘Xaaf’ Farmaajo ayaa isaga oo ka khudbeynaya goob munaasabad ah ka sheegay in Qofka xanuunsan 3 qodob uu wajaho xilliga uu xanuunsan yahay.

Farmaajo oo ka hadlayey Xuska 15 May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in qofka xanuunsan uusan laheyn awood uu ku dhageysto qof kale hadalkiisa.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Xaaf in uu ka soo horjeestay in la sameeyo madal u dhaxeeysa dowlada dhexe iyo maamul goboleeeyada.

Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday arinta Maamulka Gal-mudug ayaa sheegay watashi badan kadib uu madaxweyne Xaaf uu ka hor yimid arrimo badan oo lagu heshiiyay.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaasi ka sheegay in uu si kaftan ah u dhahayo hadalka, walow aan la ogeyn in maamul goboleedyadu ay kaftankaasi aqbaleen.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->