M/weyne Farmaajo oo joojiyey kulamo uu qaban lahaa RW Kheyre.. | Afrikada

M/weyne Farmaajo oo joojiyey kulamo uu qaban lahaa RW Kheyre..

Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu joojiyey kulamo uu qaban lahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa qaadaya tillaabooyin hoose xilli uu ku doodayo in uu jiro jahawareer siyaasadeed oo heysta dowladiisa.

Shalay ayaa Farmaajo joojiyey kulan uu qaban lahaa RW Kheyre kulankaasi oo looga hadli lahaa halgankii SYL halka maantana kulan kale uu madaxweynuhu amray in aan la qaban karin.Cabsi ayaa jirta kadib markii la ogaaday in Xasan Cali Kheyre isku diyaarinayo in uu madaxweyne ka noqdo dalka doorashooyinka dhici doona 2020-ka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamada iyo is xayeysiiska Kheyre u arka in ay tahay olole goor hore ah oo Kheyre ku kasbanayo kalsoonida shacabka, tanina waxa ay dhalisay shaki badan iyo in Farmaajo canaanto RW Kheyre, sidoo kale waxaa jira habacsanaan ka jirta howlaha golaha sare ee D/federaalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (Bidix) iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, labada mas’uulba waxa ay ka yimaadeen Qurbaha iyaga oo aan weli soo marin maamul dowladnimo balse tijaabadeeda iyo barashadeeda ay ku dul sameynayaan shacab dhibaateysan iyo maamullo horumarin u haraad qaba.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->