DAAWO: Heshiis Sir ah Oo dhex maray Puntland iyo Hirshabeelle? | Afrikada

DAAWO: Heshiis Sir ah Oo dhex maray Puntland iyo Hirshabeelle?

Afrikada, Muqdisho: Ismaamulka Hirshabeelle ayaa heshiis hoose la gaaray ismaamulka Puntland.

Maamullada gobollada Soomaaliya ayaa iyagu isku mashquulsan waxaana hoos u dhacay horumarkii wadanka Soomaaliya uu gaari lahaa 5-tii sano ee ugu dambeysay.

Wararka ayaa sheegaya in aan la ogeyn heshiiskani waxa uu yahay iyadoo dadku isweydiinayaan in laga maamulladu u hanqal taagayaan dekadaha la casriyeeyay ee Berbera iyo Boosaaso taasi oo ah Salka arrintu ka qurunsan tahay.

Ismaamullada ayaa dowladda ku heysta sababta keentay in dekadaha qaar la horumariyo halka dekadaha qaarna dalka la xanibay horumarkooda. Turkiga ayaa maanta wefdi u diray Somaliland si uu ‘Equalizer’ u noqdo isaga oo sheegaya in uu horumarin ka sameyn doono Somaliland waxaa ujeedka Turkiga ay tahay mid siyaasi ah oo lagu hirgelinayo siyaasadaha dowladda federaalka ah oo iyagu u janjeera dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Turkigu waxa uu casriyeeyay oo keliya dekadda weyn ee Muqdisho halka dekadaha maamul goboleedyadana sida Hobyo oo kale loo la’ yahay cid maalgashata. Qatar ayaa dhowaan booqatay halkaasi iyada oo ka soo noqotay xili ay gacnaha ka laabatay. Dhanka kale, dowlad goboleedyada ma laha khibrad federaalka ay ku maareeyaan iyadoo madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu ay yihiin dad ganacsato lacag uruuris ah oo aan horey u soo arkin dowlad iyo khibrad maamul heer madaxtinimo oo sidaani oo kale u balaaran.

Dowladaha qaata federaalka ayaa laga doonayaa in ay yeeshaan hanaan kala dambeyn walow kuwa haatan haya maamul goboleedyada Soomaaliya ay u taagan yihiin sidii wadan ka go’ay Soomaaliya oo kale iyaga oo aan talada ka qaadaneynin madaxweynaha, halka madaxweynaha qudhiisuna uu ka goostay lacagihii loogu talo galay maadaama Hiigsiga siyaasadeed aysan u hogaansaneyn maamullada gobolladu..

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->