DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe | Afrikada

DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe

Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana waxaa jira dad aqoonyahanno ah oo siyaasiyiinta u sheega khaladka ay ummadaha ka galaan xilli ay ku dhaarteen in ay waxqabad, daacadnimo iyo hufnaan la imaanayaan.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waa aqoonyahan fadhigiisu yahay wadanka Mareykanka waxaana uu ka hadlay shirkii Garoowe ay dhowaan ku yeesheen dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Maamulada dalka.

Shirkani oo ay ka muuqatay in hogaamiyeyaal careysani ay banaanka uga baxeen xilli uu madaxweynaha dowladda dhexe goobta fadhiyey.

Professor Cabdi Ismaaciil ayaa dhaliil Xoogan u soo jeediyey Mas’uuliyiintii ka Qayb galay Shirka, Wuxuuna xusay in aysan daacad ka ahayn in ay Dalka ku Hogaamiyaan Dariiq nabadeed oo xasillooni iyo barwaaqo lagu gaari karo.

Waxa uu aqoonyahanku muujiyey sida aysan xitaa uga hadlin siyaasiyiintii halkaasi isugu timid oo ay ceebtooda hadalka hoos ugu dhigeen.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->