Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay | Afrikada

Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay

Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa madaxa xabad isaga dhuftay.

Ciidammada Ugaanda ayaa baaraya duruufaha sababy in mid ka mid ah ciidammadooda ku sugnaa Soomaaliya uu toogasho u geysto sarkaal dhanka maamulka ah markii uu dileyna isagii xabad uu madaxa isaga dhuftay.

Majalada Daily Monitor ayaa qoreysa in askariga uu cadaadis kala kulmay sarkaalkii ka sareeyay ee dhanka kormeerka ciidanka.

Majalada Kampala Dispatch ayaa saaka wax ka qortay in afhayeenka xisbiga talada haya ee dalka Yugaandha ee (UPDF) Brig Richard Karemire uu sheegay in labo askari ay halkaasi ku dhinteen isla markaasina dowladda Yugaandha ay baareyso qaabka ay u dhinteen askartani.

“Ma cada weli sababta, waxaanu baareynaa in uu fiyoobaa iyo in kale ,” sidaasi waxaa sheegay Brig Karemire oo qadka taleefanka ugu waramayey warbaahinta Axadii.

Shilkan ayaa ka dhacay saldhigga ciidammada Yuganda ee Muqdisho kaasi oo ah saldhigga keliya ee ciidammada AMISOM ee ugu saameynta badan, saldhigaasi oo kala qeybiya ciidammada ugu badan ee ka yimaada dalka Uganda.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->