PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe | Afrikada

PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe

Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ka badan 5 cisho ka soconayey magaalada Garoowe ee Puntland.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa la sheegay in uu ka baxay shirka waxaana arrintan ay keentay in uu shirku qarka u saarmo in uu noqdo natiijo la’aan.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle oo qeyb ka ah madaxda ka qeybgaleysa shirka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday in ay ixtiraamto heshiiska Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu Suna.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin ay ku xagal daacisay ajandayaashii loo madlanaa sida sharciga Doorashooyinka, Batroolka iyo Arrimaha Dastuurka, isla markaana hoggaanka dowladda aysan rabin wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro arrimaha masiiriga u ah mustaqbalka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dooneysa in ay maamusho maskaxda dowlad goboleedyada halka ay iyaguna isla-weyni muujinayaan oo ay diidan yihiin in ay dhageystaan fekerka madaxweyne Farmaajo.

Sidaa darteed ayaa Farmaajo iyo Kheyre waxa ay Muqdisho ku laaban doonaan iyaga oo aan wax natiijo ah u soo bixin waxaana ay rajeynayaan in maamul goboleedyadu fahmi doonaan muhiimadda ay leedahay in dalku ka dambeeyo xaruntiisa dhexe ee Muqdisho.

Xaaf iyo Madoobe ayaa waxa ay gacan-saar hoose la leeyihiin Imaaraadka Carabta iyaga oo u hanqal taagaya maalgashi in loogu sameeyo dekadaha maamuladooda si la mid ah sida Boosaaso iyo Berbera-ba loo dhisay, halka federaalkuna horumarkooda ka soo horjeedo, waxaana ay diidan yihiin fekradaha Farmaajo iyo Kheyre.

Is qabqabsiga iyo ismaamul la’aanta Soomaalida ayaa keenay in wadammada deriska ah ay durba sanka ka qabsadaan Soomaalida iyaga oo dowladahani ka niyad jabsan yihiin in cudurka federaalismka ee Soomaaliya asiibay uu iyagana sidaas oo kale u saameeyo, Madaxweyne Farmaajo ayaa laga filayaa in uu Muqdisho ka dego halkaasina uu ka jeediyo hadal aad looga warsugayo oo ku saabsan heshiiska Garoowe.

WAR-SAXAAFADEEDKA GALMUDUG HOOS KA AKHRI:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->