Kenya Oo joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho-Nairobi..VIDEO | Afrikada

Kenya Oo joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho-Nairobi..VIDEO

Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya wadanka Kenya waxa ay sheegayaan in waaxda duulista hawada dalka Kenya ay soo saartay wargelin la xiriirta in wixii maanta ka dambeeya diyaaradaha ka baxaya Muqdisho ee u socda Kenya ay sii mari doonaan garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada Wajeer.

Waaxcda KCA ayaa sheegtay in ay go’aankan u qaadatay sababo la xiriira dhanka amaanka, go’aankan oo soo celiyey in diyaaradaha dalku sii maraan Wajeer, halkii ay horay si toos ah u tagi jireen magaalada Nairobi.Arrimaha ku saabsan diyaaradaha Soomaalida ayaa cabsi laga muujiyey kadib markii la saadaaliyey lana ogaaday in khatar badan ay ka soo kordhi karto dhanka Soomaalida.

Cabsidan cusub ee ku dhalatay dowladda Kenya ayaan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto.

Waxaa sidoo kale dhanka Soomaaliya ay ku adkeysanayaan hirgelinta heshiiskii labada dowladood ay hore u kala saxiixdeen ee ahaa in diyaaradaha Soomaalida loo ogolaado in ay kutoos ugu degaan gegida Joomo Kenyatta. Balse weli dowladda federaalka Soomaaliya oo aan wali wax war ah ka soo saarin go’aankan cusub.

Kenya ayaa sidoo kale dhankeeda sheegtay in go’aankan uu yahay mid ku meel gaar ah oo diyaaradaha dib loogu celin doono nidaamkoodii hore ee Muqdisho-Nairobi, Nairobi-Muqdisho, waxaana KCA ay shaacisay in uu ku egyahay bisha Agoosto ee sanadkan 9-keeda.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Xukuumadda Maxamed Cabdullahi Salaad ‘Oomaar’ ayaa xaqiijiyey in Kenya la soo wadaagtay go’aankaas,hayeeshee aysan jirin sababo sahli kara in Kenya joojiso duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->