Dowladda Oo Aas Qaran U Sameysay madaxweynihii hore ee Galmudug. | Afrikada

Dowladda Oo Aas Qaran U Sameysay madaxweynihii hore ee Galmudug.

Afrikada, Galmudug: Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa aas qaran u sameysay madaxweynihii hore ee ismaamulka Galmudug Allaha u naxariistee Maxamed Warsame Cali oo ku magac-dheeraa Kiimiko.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa xukuumadda federaalka oo uu ka mid yahay ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta Salaadda Janaasada ku dukaday maydka Allaha u naxariistee madaxwaynyihii hore ee Gal-mudug, Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko, oo maanta Muqdisho laga soo dejiyay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiintii kale ee ka qayb galay aaska ayaa marxuumka Allah uga baryay in uu u naxariisto.Salaadda kadib ayaa Marxuumka lagu aasay Qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Amb. Maxamed Warsame Cali oo maalma ka hor ku geeriyooday dalka Kenya ayaa ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uuna qayb waqtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan, kana mid ahaa aasaasayaashii, Maamulka Galmudug, isaga oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Galmudug.

SAWIRADA:

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->