Wararkii u dambeeyey ee Shirka Magalada Garoowe | Afrikada

Wararkii u dambeeyey ee Shirka Magalada Garoowe

Afrikada, Muqdisho: Shirka Wadatashiga Heer Qaran ayaa ka soconaya magaalada Garoowe.

Waxaa shir gudoominaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxdu waxa ay ka wada hadlayaan arrimaha masiiriga ah ee dalka sida xoojinta wada shaqeynta, horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Raiisul Wasaraaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan.

Wararkii u dambeeyey ee haatan naga soo gaaray shirka ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda ay wadaan ka doodista qodobo ka mid ah shirka, iyad aoo la filayo in dhawaan la soo geba-gabooyo, isla markaana qodobo laga soo saaro.

Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo laga hor istaagay kulamo uu bulshada rayidka la qaadan lahaa, tani oo muujineysa heerka waxbarasho iyo waayo aragnimo ee madaxda gobolladu ka aaminsan yihiin nidaamka federaalka.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->