Milleteriga Suudaan oo war hor leh ka soo saaray xaaladda dalkaasi | Afrikada

Milleteriga Suudaan oo war hor leh ka soo saaray xaaladda dalkaasi

Afrikada, Muqdisho: Shir jaraa’id ay qabteen militariga Suudaan ayaa waxay kaga hadleen xaalidihii ugu dambeeyay ee xaaladda dalkaasi xilli militariga ay la waregeen xukunka.

Madaxa guddiga siyaaasadda ee millitariga Suudaan, Janaraal Cumar Zeyn Al Caabidiin ayaa sheegay in Cumar Al Bashiir lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka isla markaasna aysan tarxiili doonin.

Waxaa uu sheegay in madaxweynihii xilka laga tuuray Al Bashiir uu hadda gacantooda ku jiro.“Bashiir waxaa lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka” ayuu yiri Cumar Zeyn Al Caabidiin.

Waxaa uu intaasi ku daray in muwaadin kasta oo reer Suudaan ah oo dambi galay aanan la horkeeni doonin maxkamad shisheeye ah inta ay golaha militariga ay hayaan awoodda dalka.

Waxaa uu u sidoo kale sheegay in mustaqbalka dowlad rayid ah oo timaadda inay go’aamada ay wax ka baddali karaan. Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa ku eedeeysay Al Bashiir inuu dambiyo dagaal ka geystay gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->