Baarlamaanka Xaq ma u leeyahay in uu shir mucaaradnimo ku qabto dibadaha? | Afrikada

Baarlamaanka Xaq ma u leeyahay in uu shir mucaaradnimo ku qabto dibadaha?

Afrikada, Muqdisho: Gooni goosatada iyo ciriiri geliyeyaasha dowladnimada waxa ay ka faa’iideysteen dastuur aan dhammeystirneyn, maxkamadihii dowladeed oo aan dhisneyn, dacwad Soo Oogistii qaranka oo aan shaqeynaynin iskaba daa Xeer Ilaalin mushaharkeeda si qabow u qaadata oo aan shaqadeedii Protokoolka qabaneynin.

Soomaaliya maalin kasta oo ay dib u dhigato hagaajinta dastuurkeeda ayaa ay dhibaato ka taagan tahay, sababtoo ah dastuurka ayaa ah kii kala saarayey dadkan isqabqabsadanaya ee ka kooban saraakiisha dowladda.

Waana khasab qof kasta activist ma aha oo qaar ayaa dadku waxa ay muteysanayaan qiyaano qaran ama baal-mar shuruucda qaranka u degsan.

Dadka ay ka mid yihiin Axmed M. Fiqi oo qaba cudurka (Sonkorow iyo Dhiig-kar), Prof. Gaandi, Cabdiraxmaan Cabdi-Shakuur iyo kuwo kale oo ah “Kansar-siyaasadeedka Soomaaliya” waa dadka keliya oo ku soo haray qaadashada wixii kharash ah ee (Cadowgu ku soo laaluusho) kaasi oo lagu mashquulinayo maskaxda nadiifka ah ee aan wasakhoobin ee dhallinyarada isku dayeya in ay fursadooda dowladnimo ambaqaadaan.

Wey ogyihiin in dowladda Farmaajo xooggan tahay, balse waxa ay kooxahani xanaaq iyo maxkax-huris (Brain-Storming) ku sameynayaan xukuumadda Kheyre.

Waxa ay jilayaan in ay mucaarad yihiin. In ay iimaanka la’ yihiin waxaad ku dareemi kartaa sida ay u malabsanayaan in loo magacaabo jagooyin, ma jirto nidaam ay iskood isku dhisayaan oo ay leeyihiin waxaan u odayeynaynaa in dhulka Soomaaliya oo dhan aynu nabadda gaarsiinno, halka ay ku sii ordayaan caasimadda Ingiriisku dhisay ee Nairobi.

Waxa ay doonayaan in ay Ramadaanka ku soo soomaan qabowga Nairobi si ay Muqdisho uga dhigaan meel laga kala cararay.

Suuqii ama (Marketing-kii) dowladda ayey dhulka ku jiideen, balse akhristow marka ay iyaga dowlad noqdaan sow iyagana la xumeyn maayo? Sow cuqubada wareegtada ah ka soo bixi meyso, taasina soow shacabkii rajada qabey uma darna? yey u roontahay in maanta xasillooni darro siyaasadeed laga dhex abuuro dowladda Soomaaliya?

Hormuudka Dhiig-Karka iyo Sonkorowga Soomaaliyeed?!!

Sida Venezuela oo kale haddii ay dowladda labo u kala qeybiyaan muxuu ku dambeyn karaa shacabkii rayidka ahaa ee AMISOM xanaaneynaysay?

Axmed Macallin Fiqi oo shalay dugsiga hoose ee SOS ka dhigi jirey duruusta Carabiga ma u leeyahay khibrad in uu dowladnimo u horkaco shacabweynaha Soomaaliyeed?

Maxaa ay M/weyne Farmaajo iyo Kheyre xoriyad u siiyeen dadkaan loogu talo galay in ay ku dul fariistaan sariiraha cusbitaallada si ay caafimaadkooda ula tacaalaan oo ay sonkortooda u soo dejiyaan marka hore?

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->