DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis! | Afrikada

DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!

Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi karin kartidooda millitary ayaa waxaa ciidanka xoogga dalka la arkayey maalmihii ugu dambeeyay iyaga oo xaflado ku dhiganaya hoteello dhexdood, halkaasina ay gaardis iyo qoob ka ciyaar ku soo bandhigeen.

Waa mid ka mid ah naxdinta ciidammada noocan ah heysata iyadoo aan la ogeyn godobta ay geysteen ee keentay in awoodooda ‘Gaardinta ay Hudheel la dhexgalaan” halka caalamku millterigiisa ku gaardiyo fagaareyaal dadku u wadajeedaan awoodda ciidammada.

Waxa la sheegay in ay ka baqayaan in ay Al-Shabaab qarxiso oo ay halkaasi ku baab’iso, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa iyagu halkaasi ku daawada heesaha sidaas ayaana wixii dabaaldeg ah lagu soo koobaa.

Ciidanka XDS ayaa waa ahaan jirey ciidammo aad looga cabsado oo ku goodin jirey in ay ‘Maska Liqaan’ balse maanta sidaan ayaa u danbeysay oo in ay niyad jabsan yihiin ayaa ka muuqata indhahooda. Waxaase la isweydiinayaa sababta keentay in ay qol dhexdiis ku dhex gaardiyaan?

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->