Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings). | Afrikada

Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).

Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar joogto ah ka qaata Qaramada Midoobey waxa ay soo bandhigaan dilal aan sharciga la marsiinin “Extra Judicial Killings” Booliska Soomaaliya ayaa iyagu ah kuwo aan dacwado soo oogin ama aan maxkamado dadka geynin maadaama degmooyinka Xamar aysan maxkamado ka jirin.

Ciidamada Booliska ah ee ku sugan ayaa waxay saaka Dileen darawal Bajaaj la ah, waxaana wararku sheegayaan in muran uu soo kala dhax galay Askariga wax dilay iyo Darawalka la dilay.

Dilalka loo geysto darawalada Moota bajaajta ayaa muqdisho si caadi ah uga dhaca, iyadoona aysan jirin cid wax ka qabatay falalkaan soo laa laabtay.Dibadbaxayaal ka caraysan toogashada uu Askarigu gaystay Darawal Mooto Bajaaj iyo qof la socday ayaa ka soconaya Isgoyska Howlwadaag ee Muqdisho.

Booliska ayaa ah ciidamo la doonayo in ay shacabka dhex galaan iyaga oo weliba awood u leh in ay Bajaajta ka joojiyaan magaalada caasimadda haddii ay bajaajtu nabadgelyada wax u dhimeyso, balse maadaama uusan jirin xeer ay raacaan iyo protokool ayaa waxaa la dareemayaa in ay qoriga caaradiis adeegsanayaan.

Waxaa dhanka kale la sheegay in boolisku aaney mushahar ka qaadanin dowladda balse ay ka qaataan hey’ad lagu magacaabo UNDP taasi aan iyadu xakameynin xeerarka ay ku shaqeeyaan bileyska, waxaana mushaharka UNDP ay ka qaataan loogu iibiyaa dhar ay xirtaan, mana jirto wacyigelin intaas dhaafsiisan oo la siiyo si ay shacabka u badbaadiyaan, halkii ay dadka ka soo xiri lahaayeenna waxa ay u toogtaan si toos ah.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->