VIDEO: Afgembi ka dhacay dalka Suudaan & Saraakiil la xiray | Afrikada

VIDEO: Afgembi ka dhacay dalka Suudaan & Saraakiil la xiray

Afrikada, Khartoum: Kadib gadood maalmo badan soconayey ayaa waxaa la sheegayaa in maanta milleteriga dalkaasi ay qaadeen tillaabooyin kala duwan.

Saraakiil ka tirsan xukuumada al Bashiir ayaa xabsiga la dhigay, dadka la xiray waxaa ka mid ah Ahmed Haruun oo ahaa madixii xisbiga golaha Qaranka, Cali Cusmaan Daaha oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Suudaan, iyo Cabdi Raxiim Maxamed Xuseen oo ahaa wasiirkii hore ee difaaca Suudaan.

Banaanbaxyada ay dadku la hortaagan yihiin xarunta ciidammada ayaa gelaya maalintii 6-aad, waxaana saacadihii hore ee maanta la arkayey ciidamo dheeraad ah oo sii gelaya xeradaasi oo iyadu la sheegay in ay hoy u tahay ciidammada dalkaasi iyo weliba madaxweynaha, sidoo kale waa wasaaradda difaaca dalkaasi.

Si kastaba waxaa dhowaan sheegay in ay hadal jeedin doonaan milleteriga dalkaasi oo tilmaamay in ay sharaxi doonaan cida haatan dalka gacanta ku heysa.

Madaxweyne Al-Bashiir wali ma hadlin, waxaa la aamisan yahay in uu yahay xabsi guri,islamarkaana la xiray raggii agdhawaa ee ahaa saraakiisha Ciidanka .

Khartoum, Sudan.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->