Muqdisho iyo Shirkadaha caalamiga ah -ARAGTI KOOBAN- | Afrikada

Muqdisho iyo Shirkadaha caalamiga ah -ARAGTI KOOBAN-

Afrikada, Muqdisho: Walow Soomaalidu aysan laheyn shirkado waaweyn oo teknoolojiyada ka shaqeeya hadana aad ayaa loo dhaliilayaa istraatiijiyadda dhisme iyo qaab nololeedka ay dhaqaalaha ku raadiyaan reer Muqdisho.

Dadka magaaladani ayaa ah shacab ay dhego tirtay amni iyo nabad, balse iyaga dhaqaalahooda iyo noloshooda marka loo eego aan aheyn kuwo isha ku haya horumarka dhaqaale iyo degaan. Dhaqaaluhu waxa laga soo xareeyaa labo degmo, mid waxa uu ahaa suuqii town-ka ahaa ee Xamarweyne midna waa suuqa maanta ugu weyn ee Bakaare. Mid waaba laga kala cararay oo waa burbursan yahay midna dhiiqo iyo jiingado ayaan lala geli karin.

Ogow akhristow, dadka lama degaan ayey beeranayaan, inaguna dhiiqo iyo nijaaso aynu u jeedno ayaynu ku dhex soconaa, oo suuqyadeennu waa nijaaso iyo saxaro, weliba kuwo ayaa baco lugaha ku xirta marka ay dhexmarayaan dhiiqada suuqa Bakaare!!??

Labadoodaba maanta cid daryeesha ma jirto.

Suuqii Xamarweyne, ee ilaa degmooyinka ku teedsan dhisnaa waa burbursan yahay. Shirkadaha Soomaalidu xitaa halkaas ma aysan camirin si dib loogu soo dego ama Faras magaalihii loo dhiso.

Waxa meeshaas ku yaal goobo khadiimi ah oo aysan dadka Soo-Galootiga ahi waxba ka garaneynin haba yaraatee.

Wax badan ayaa la iska-weydiinayaa su’aasha ka taagan in dhiiqada Suuqa Bakaaraha la keeni karo shirkad caalami ah oo bilicdeedu quruxsan tahay iyo in kale.

Sidoo kale dadka waxaa niyadda kaga taagan, haddii aad tagtid Muqdisho adiga oo hantidaada wata halkee ayaad maalgashan kartaa? halkeese ku wadi doontaa gaariga aad ku socoto? halkee ayaad si deggan ugu noolaan kartaa? ka shaqeysan kartaa? Carruurtaada u dalxiis geyn kartaa? Balse waa naxdin iyo amakaag in suuqii Bakaare dhiiqadiisa lugaha la geliyo min madaxweyne ilaa saqiirka garaangirta wata.

Waa naxdin in magaalo aysan laheyn meel loo daawasho tago ama xasuus taariikheed Taallooyin lagu bedelo derbi aan waxba taariikh ah muujineynin iyadoo laga cabsi qabo in wadaadadu kacaan ama ay dhacdo in taariikh nololeed loo lumiyo Sheekh xag jir ah ayaa yiri taallo hebel dib looma dhisi karo, OO Axmed Gurey sow isaga laftiisu wadaad ma aheyn, Maxamed Cabdille Xasan sow isagu Sheekh kutubta akhriya ma aheyn? xusuustooda maxaa dhulka ku riday.

Jamhuuriyad federaal qaadatay oo reer Galbeedka koobiyeysay miyaa ku adkeysaneysa in aan dib loo soo celin karin taalladii Sayidka iyadoo sanamka ka taxadareysa?

Israa’iil fekerkeedu waa 80 jir, dhismaheeduna waa 50 jir. Waa wadan ay xabadi ku socotey, kuna socoto ilaa hadda, waa la dhisay, waxaana helay dad aad u jidbeysan, maanta Israa’iil waa Galbeedkii oo reer Bariga la dhex keenay waxaana ay bixisaa ceyr ay Afrikaanka siiso, dhismaheeda hoose ka daawo, qarax iyo hoobiye ayaa weli ku socda saas oo ay tahay afka keliya kama aysan dhihin nabad ayaan rabnaa, ee ficil ayey ku dhaqmeen? iyagoo kala firirsan ayaa dibadaha laga soo kala uruuriyey? hadaba sideen DHIIQADII BAKAARAHA ugu bedelnaa Shirkado caalami ah iyo wadooyin boorka iyo dhiiqada naga qariya oo aan ka dhisno suuqa Bakaaraha, ma weysan dowladda hoose laheyn qorshe wax ka bedel ah oo magaalada Muqdisho loogu sameynayo FARAS-MAGAALE? Soomaalidu maxay naftooda u naceen xilli duunyadii ay hore u socoto? Ma iyadii oo aan aakhiro la gaarin ayaanu gacanteenna ku tageynaa, maxaa khaldan? Maxaa qorshe ah oo aynu heysanaa? yaa proposallada naga qabanaya haddii aynu horumarin baaxad weyn iyo talo dhiibasho la imaano? yaanu la tashanaa? Xafiiskee furan ee wax loo sheegi karaa?

HOOS KA DAAWO SHIRKADAHA CAALAMIGA AH MAXAY U AADEEN ISRAA’IIL?

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->