DAAWO: Xildhibaannada federalka oo maanta “Hurdada Dheeraystay” Hoheey Afrikaay Hurudooy!!! | Afrikada

DAAWO: Xildhibaannada federalka oo maanta “Hurdada Dheeraystay” Hoheey Afrikaay Hurudooy!!!

Afrikada, Muqdisho: Ilo ku dhow dhow Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in illaa 54 Xildhibaan ay ku xaadirtay waqtigii loogu tala galay in lagu tago xarunta Golaha Shacabka oo ah 10:00 subaxnimo.

Hase ahaatee tiradaas ma aanay buuxin kooramka uu ku furmi lahaa kulanka, waxaana Guddoonka uu ku daray saacado dheeraad ah, si Xildhibaanada maqan u soo xaadiraan, waxaa kulankan uu yahay mid ka duwan kulamadii hore, waxaana uu qaadan doonaa waqti dheeraad ah.

Dhinaca kale Guddoonka ayaa sheegay in saxaafada loo codeynayo inay kulanka goobjoog ka noqdaan iyo in bannaanka loo saaro, waxaana arrintan ay noqon doontaa mid dood hareyso.

Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ayaa dhigaya in Xildhibaanka in muddo hal daqiiqo ah uu su’aal ku weydiiyo Wasiirada loo yeeray, halka jawaabtana noqon doono muddo saddex daqiiqo ah.

Habeenkii Jaad cunis miyaa, maalinkiina Hurdada dheereyso miyaa?

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->