Ciidammada Naafada ee XDS oo banaanbax ka hordhigaya Villa Soomaaliya SAWIR | Afrikada

Ciidammada Naafada ee XDS oo banaanbax ka hordhigaya Villa Soomaaliya SAWIR

Afrikada, Muqdisho:Wararka inaga soo gaaraya Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidammadii Naafada ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay banaanbax ka dhigayaan Irida laga galo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee xigta dhinaca Hotelka SYL.

Waxa la sheegay in ay ka cabanayaan 4 bilood oo aan afka loo saarin wax raashin ah.

Ciidammada ayaa qeybtooda naafada ahi waxa ay ka cabanayaan in muddooyinkan aan dhankooda la soo fiirin oo dowladdu ka mashquushay.

Waxaa dhinaca kale soconaya banaanbax ay wadaan ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, kuwaasi oo iyagana xirtay wadada Isgoyska Tarabuunka, Wershada Caanaha ilaa Black Sea, kuwaasoo dib u celinaya gawaarida BL-ka iyo kuwa raaxada ee shaqsiyaadka wataan.

Ciidammada ayaa dhanka warbaahinta looga adkaaday waxaana ay bilaabeen in ay wadooyinka socdaan si ay wax ugu hirgalaan.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa labaduba sheegay in ciidanka la siiyo daryeel iyo lacag ku filan, lamase oga sababta ciidanku ugu soo baxeen wadooyinka.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->