2 Qof oo lagu gowracay magaalada Marka | Afrikada

2 Qof oo lagu gowracay magaalada Marka

Afrikada, Muqdisho:2-qof oo rayid ah ayaa la sheegay in meydadkooda lagu arkay magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Meydadka oo madaxyadoodii ay maqan yihiin ayaa laga helay inta u dhaxeysa degaannada Janaale iyo Buufow.

Waxaa la sheegay in labada qof ay wadeen raashin ay geynayeen magaalada Marka, iyagoo adeegsanayay gaari gacmeed uu jiidayay Dibi, maadaama gaadiidka waaweyn la gubayo, hadii wadada lagu arko, iyagoo raashin galinaya magaalada Marka.

Dadkani ayaa ahaa dad laga yaqaaney magaalada Marka, waxaana hore kooxaha Al-Shabaab ay u soo saareen amarro ay ku mamnuucayaan in raashin la geliyo degmada Marka.

Dadka ayaa subaxnimada doonaya in ay aasaan waxaana cabsi xoogani ay soo wajahday milkilyaasha iyo dadka ku ganacsada dameeraha iyo gawaarida Dibidu jiido kuwaasi oo ka baqaya in ay Al-Shabaabku bartilmaameedsadaan.

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->