UN-ka Oo Balaayiin kaalmo ah siiya Al-Shabaab WARBIXIN | Afrikada

UN-ka Oo Balaayiin kaalmo ah siiya Al-Shabaab WARBIXIN

Afrikada, Nairobi: Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa lagu eedeeyay in ay balaayiin doolar gacanta ugu shubto kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama wadanka Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya danjire Macharia Kamau ayaa sheegay in UN-ku uu bixiyo gargaar toos ah oo dhan 10 boqolkiiba kaasi oo la siiyo Al-Shabaab si ay uga dhigtaan cunto iyo daawo.Prof Kamau ayaa arrintan ka dhawaajiyey Khamiistii la soo dhaafay waxaana uu ku tilmaamay qaraarka Qaramada Midoobey ee dhigaya ‘Maalgelinta Argagixisada’ mid ka hor imaanaya sharciyadaasi u yaalla Qaramada Midoobey.

Xilli kal hore la qiimeeyay miisaaniyadda gargaar ee gaarta wadanka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dhan tahay 120 bilyan, waxaana argagixisada la sheegay in ay maaliyad ahaan ay qaataan maaliyad kaash ah oo loogu talo galay in ay “Tayadooda ku dhisaan” waxaana ay helaan cel celis dhan 12 bilyan oo ah lacagta kor ku xusan.

Warkani ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Kenya ayaa imaanaya xilli golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay soo saareen qaraar amraya in dalalka xubnaha ka ah golahaasi ay dhaqan geliyaan in la is-hortaago maaliyadda gaarta gacanta kooxaha argagixisada ah.

Baaqani Qaramada Midoobey ayaa saameeyay hey’ado badan oo fadhigoodu yahay wadanka Mareykanka kuwaasi oo doodo isku dhaafsaday gudaha wadankani Kenya, waxaana hey’aduhu ay ka doodeen deganaansho la’aanta Soomaaliya iyo kaalinta howshooda gargaarkoodu ku yeelan karto.

Gargaarka caalamiga ah ayaa ah tiirka keliya ee dhanka dhaqaalaha ah ee uu ku tiirsan yahay wadanka Soomaaliya marka laga soo tago xawilaadaha caalamiga ah, kadib sanado badan oo rafaad la soo maray tan iyo markii ay dhacday dowladdii dalkaasi sanadkii 1991-kii.“Shariciyada is khilaafaya iyo dhaqanka dareen laawenimo ee ay ku dhaqmeyso Qaramada Midoobey ee ah in la maalgeliyo kooxaha argagixisada iyadoo UN-ku siinayo lacago laaluush iyo mid toos ah waa in la joojiyaa.

UN-ku waa in ay tusaale fiican noqdaan ma aha in ay kharash iyo maalgelin siiyaan dadka dhibka ku haya gobolkeenna,” sidaasi waxaa sheegay Amb. Kamau maalinimadii Axadda.Mas’uulkani oo ah diblumaasiga ugu darajada badan diblumaasiyadda wadanka Kenya marka laga soo tago wasiirka arrimaha dibadda Monica Juma, ayaa Kamau waxa uu u soo jeediyey UN-ka in aysan yareysanin si gaar ahna loo fiiriyo dadaalka ciidammada millitariga dalka Kenya ay ka wadaan gudaha wadanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in haddii ciidammada Kenya lagu eedeeyay in dhuxul ay dhoofsadaan ayna kaalmeeyaan Al-Shabaab, ay iyaguna UN-ka ka hayaan cadeymo muujinaya in uu lacag toos ah siiyo Al-Shabaab.

“Waa mid aan la aqbali karin in UN-ku uu si loo aan qarsooneyn ugu qoondeeyo boqolkiiba 10 maaliyadda Soomaaliya in uu u gacan geliyo Al-Shabaab oo naloo sheegayo in ay gargaar tahay, waa arrin dulmi ah in kaalmo la siiyo Al-Shabaab, sida uu dhigayo qaraarka tirsigiisu yahay UNSC 1267,” sidaasi waxaa bartiisa Twitter-ka ku qoray xoghaye Kamau Macharia.

 

Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya Ambassador Macharia Kamau.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->