Soomaalida Germany oo loo qeybiyey baasaboorka Soomaaliga | Afrikada

Soomaalida Germany oo loo qeybiyey baasaboorka Soomaaliga

Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya wadanka Jarmalka waxa ay sheegayaan in safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi ay shacab badan oo Soomaali ah u qeybisay baasaboorka Soomaaliga.

Safaaradda ayaa qabatay munaasabad kadib markii dalal badan oo reer Yurub ahi ay aqoonsadeen baasaboorka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la qabtay dabaaldegyo iyo munaasabado kala duwan oo ku saabsan aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya ee wadamada reer Yurub ictiraafeen dal-ku Galkani waxaana goob-joog ka ahaa furitaanka bixinta baasaboorada agaasime ku-xigeenka hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Cabdifitaax Shaawey.

Ambassador Mohamud Mohamed Tifow, ku-xigeenkiisa Eng. Mohamed Abdi Kulmiye oo horay u ahaa Qunsulkii Guud ee Qunsuliyada Somalia ee Jeddah iyo Xoghayha koowaad ee Safaarada Somalia ee Berlin Mohamed Abdi Aadan Jaalle Hoosh Dalal iyo mas’uuliyiin kale ayaa halkaasi khudbado ka jeediyey iyaga oo balan-qaaday in ay muwaadiniinta ugu adeegi doonaan si sharaf iyo wadanimo ku dheehan tahay.

SAWIRADA:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->