DHAGEYSO: Muuse Suudi Oo laga saari waayey xaruntii Ciidammada Badda Soomaaliya | Afrikada

DHAGEYSO: Muuse Suudi Oo laga saari waayey xaruntii Ciidammada Badda Soomaaliya

Afrikada, Muqdisho: Xiisad ayaa ka taagan arrinta xaruntii ciidammada Badda Soomaaliya ee loo yaqiin Mariino.

Dagaal ayaa la isku hor fadhiyaa degmada Kaaraan iyada oo qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii dalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Muuse Suudi uu soo urursaday hub culus isaga oo doonaya in uu dagaal la galo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo taabacsan senator Muuse Suudi Yalaxoow ayaa isku hor fadhiya agagaarka xerada Mariino ee ciidammada Badda.Horey ayaa Muuse Suudi iyo rag kale oo siyaasiyiin ah waxa ay xeradaasi gudaheeda uga dhisteen guryo waaweyn iyaga oo taageero ka helayey dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in kulamo wada xaajood ah ay fashilmeen.

Ciidammada dowladda ayaa isku dayeya in ay ka saaraan Muuse xerada dowladda, Muusena waxa uu ku adkeysanayaa in uu sii deganaan doono dhulkaasi dowladeed.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka mid ahaa hogaamiyeyaashii muqaatiliinta ahaa ee gumeysan jirey shacabka Soomaaliyeed xilliyadii ay dalka xoogga ku heysteen. Waxaa la sheegay in gaadiid dagaal uu difaac geliyey, balse waxaa laga cabsi qabaa in ay ciidammada Afrikaanka ee AMISOM ay soo xiraan hogaamiye kooxeedkani haddii uu dhaliyo dagaal daran oo ka qarxa Muqdisho.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->