DHAGEYSO: Isbitaalka Banaadir oo qarka u saaran in uu xirmo | Afrikada

DHAGEYSO: Isbitaalka Banaadir oo qarka u saaran in uu xirmo

Afrikada, Muqdisho: Iyadoo dhawaan isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ay gacan ku heyntiisa la wareegtay wasaarada caafimaadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa soo if-baxaya warar sheegaya in guud ahaan isbitaalka uu qarka u saaranyahay in uu xirmo.

Isbitaalka ayaa halis ugu jira in uu xirmo , si gaar ah Qeybta ugu weyn isbitaalka ee ah qeybta lagu daweeyo cudurka shuban Biyoodka ayaa qarka u saaran in ay xiranto bacdamaa hay’adihii dhiibi jiray daawooyinka iyo qarashaadka lagala wareegay Isbitaalka.

Sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka ee Isbitaalka Banaadir oo magaciisa kusoo koobay Dr. Cabdirisaaq ayaa maanta warbaahinta la wadaagay in Isbitaalka guud ahaan gaar ahaan qeybta shuban biyoodka lagu dabiibo ay qarka u saarantahay in ay xiranto.

Hadii guud ahaan Isbitaalka Banaadir ama qeyb ka mid ah uu xirmo waxa ay dhibaato xoogan ku noqon doontaa boqolaalka ruux ee lagu dabiibo, haba ugu badnaadaan dadka uu soo rito cududrka shuban biyoodka oo gobalada dalka kaga kala yimaada Isbitaalka.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->