Dilal goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino ka soo baxaya | Afrikada

Dilal goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino ka soo baxaya

Afrikada, Muqdisho: Shabakada Afrikada.com ayaa heshay war ku saabsan in kooxo biskoolado ku hubeesan goordhow ay dil ka geysteen xaafado ka tirsan degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay kooxo bistoolado ku hubeesan ayaa ruux aan wali la ogeyn waxa uu yahay waxa ay ku dileen xaafada Unicef ee katirsan degmada Waabari, waxaana baxsaday ragii dilkaasi geestay.

Kooxo hubeesan ayaa sidoo kale daqiiqado kahor isla degmada Waabari gaar ahaan meel ku dhaw xarunta degmada Waabari waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka dowlada.

Askariga ayaa xilliga la dilayay hor fadhiyay goob Farmashiye ah sida goob joogayaal ku warameen, dhalinyaro biskoolado ku hubeysan ayaana goobtaasi ku dilay askariga iyagoona dilka kadib goobta uga baxsadeen si deg deg ah.

Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray xaafadaha dilalka ka dhaceen, waxa ayna ciidamada booliiska wadaan baaritaano adag ay ku raadinayaan raga hubeesan ee saakay dilalka ka geestay degmada Waabari.

Dilalkan goordhaw ka dhacay degmada Waabari ayaa imaanaya xili saakay isla degmada Waabari gaar ahaan meel ku dhaw Saldhiga booliiska lagu dilay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->