WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!! | Afrikada

WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!

Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala roonaanayo, sababtoo ah dad ayaa u taagan wax ay iyagu aaminsan yihiin oo aan xitaa qaliin dhakhtar looga goyn karin waxa laabtooda ka guuxaya, dad ayaa iyaguna hub u sameystay in ay dadkaas la kari waayey in dhibaato la geliyo, intaa kadibna waa lagu jiraa, iskana ilow akhristoow in aad nabad iyo xasillooni ku hesho Soomaaliya.

Meesha waxa yaal waa wax sida kalarka cad ee Baftada ah u cad oo waadax ah, is hortaagguna waa iyadana wax iska cad. Waana la fiirinayaa cida finalka natiijo fiican u soo baxdo.

Ilaa haatan waxaa soconaya dilalka dadka gaar ahaan xarunta caasimadda ah ee Muqdisho, dadku ma dareemayaan, laakiin saxaafadda waa ay qiyaasi kartaa waxa soo socda, sidoo kale waxaa dusha sare kala socda reer Galbeedka oo ogsoon waxa ay ka sameynayaan Soomaaliya.

Malaayiin ruux dilkooda ayaa laga fuliyey Soomaaliya, waxaana ay Soomaalidu xitaa ka daran yihiin maleeshiyada Taalibaan taasi oo iyadu aan dilin dadka rayidka ah badanaa balse Soomaaliya waxaa la dilayaa qofka xitaa la isdhihi karo gudoomiye xaafadeed armuu noqon karaa, tani waa ka ilaalin iyo ka hor tagis in dadka taageersan dowladnimada guud meesha laga saaro horta, si dhulka loola jaro hamiga jiilka soo socda shakina loo geliyo in ay guuleysan karaan. Sidaasina waxaa sameynaya dad aargoosanaya oo abaabulan.

Waxa ay dalka geliyeen xaalad khatar ah oo ay ku muujinayaan in aan wadanka dowlad aan Islaami aheyn aysan ka talin karin, haddii ay dowlad dimuqraadiyadda reer Galbeedka ku dhisan ay timaadana waxa ay axdi ku mareen in ay sii wadi doonaan nidaamka la hoobanayo oo midba maalin si xun loo dili doono. Tani oo saameynteeda ay qaadan doonto si loo soo afjaro 100 ilaa 200 oo sano.

Haatan weli xitaa lama saldhigin sidii lagu heshiin lahaa, sababtoo ah dhinaca Islaamiyiinta dhaar iyo axdi ayey ku mareen in la hooban doono, hal halna loo siibi doono xididada ay dalka ku beereen dowladaha deriska ah ee Itoobiya, Kenya iyo dowladaha fog fog ee reer Galbeedka ee Mareykanku hogaamiyo.

Shacabku waa hoobteen waxaana ay isku daadiyeen badaha waaweyn, qaar waxa ay ku wareereen wadammada qabowga iyo rafaadka, qaarna waa quusteen oo waxa ay ku xayiran yihiin wadammada fog fog, halka qaar ay joogaan wadammada Afrikada hoose iyagoo ka quustay in ay soo booqdaan halkii xuduntoodu ku duugneyd, Diyaaradaha dagaalka ee Afrikada deriska nala ah waxa ay duqeynayaan reer miyiga, taasi oo waayihii hore aynu aynu buugaagta iskuullada ka akhrisan jirneyn argagaxa ay diyaaraduhu u leeyihiin rayidka miyiga, iyo sida ay diyaaradaha u laayaan gabdhaha iyo wiilasha ariga iyo xoolaha ku raaca baadiyaha kuwaasi oo aan kala ogeyn soo rogis shareeco iyo isku dabaq hanaan reer Galbeed midna.Soomaaliya xal ma heyso, waxaana dhammaaday sanadkii 2018.

Dowlad ma jirto, nidaam iyo shacab mideysanna ma jiro, Soomaaliya waxa ay u kala go’day gobollo waaweyn oo loo kala bixiyey magacyada Somaliland, Puntland, Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Si fiican ayaa loo nabar dhabay, waana siyaasad aad u abaabulan oo dowladaha deriska ah iyo dad dantooda fiirsaday ay ku soo dhiseen shirkii Mbagathi. Lama oga weli cida ay dan ugu jirto arrintani afti shacab laga qaado iska daayee, dadkii aan shirkaasi ka qeybgelin xitaa lama wareysan indhaha ayaana candhuuf looga tufay, iyada oo taangi amxaaro la dul marsiiyey. Hadaba

Dastuur ma jiro, maxkamad sare ma jirto, mana jiro hanaan diimeed oo Soomaaliya mideyn kara, waqtiga xaadirka ah, maadaama mashaa’ikhdii diinta ay u kala qeybsantay qeyb si naxdin leh u tiri Jihaad, Jihaad fii Sabiili laahi, iyo qeyb ciidamo shisheeye u gacan haadsatay oo tiri dimuqraadi federaal, dimuqraadi federaal iyo qeyb tiri annagu waan go’nay, mana nihin Soomaali midnimo rabta ee nabadeey.

Filimku waa socdaa weli waxaana uu u egyahay mid aan dhammaad laheyn, mana jiro wax laga wda hadlo maadaama ereyga “jihaad” lagu dhawaaqay, cidii maqli weysana iyada iyo absaxankeeda dhulka lala jari doono. Dowladii labo qalbi ayaa ku dhacay, waxaana la wada noqday dhex ku jireyaal meel u roon iyo meel ay u cararaanba aan heysanin, waxaa Soomaalidu noqotay dad meel kasta adduunka dembi lagu soo oogi karo oo u nuqul dhibaatada, sababao la xiriira labo-miyirleynta ka jirta dalkooda.

Waa la khasaaray, waana la hoobanayaa sida uu dhigayo natiijada camalka haatan lagu dhaqmayo ka dhalaneysa, labada dhinac ee Islaamiyiinta iyo Federaaliyiintana waxa u dhigan waqtiga xaadirka ah waa in midba aragtideeda ay xalka u aragto ay shacabku wajahaan, waxaana soo baxeysa wadar ah, in qof walba is-dhiibo, iskuna dhiibo cidii uu xal u arko, taasi oo ah meeshii ugu dambeysay ee macnaheedu noqon karo, aan dhinto oo iyaduna macnaheedu yahay waa inoo dhammaatay.

Dhammaadkuna waa, asal ma doorshenimo macnaheedu yahay, meel maran ma buuxiye, wax dhammaaday oo dabo la qabto aan laheyn, asal ka harayna uusan jiri karin oo gacantooda isku tirtiray, sababtoo ah wax ay u noolaadaan ayeynan garan karin, iyo micne ay u sii joogaan dhulka korkiisa, kuwa kalena waa ka xun yihiin waxa dhacaya, waxa ayna yihiin kuwo labo qalbi isaga nool oo micno badan iyo meel ay u leexdaan garan waayey, kuna nool in wax la siiyo, raacana meeshii loo tilmaamo kuna nool rajo iyo anigaa ku difaacaya ee meeshaada ii joog, halka kii kalena uu ka sii xumaanayo arrinkaas, isaga oo dhegta dhiigga u daraya kii miskiinka ahaa si uusan dabinka ugu dhicin, halkaasina mar haddii miskiinkii la diley, waxa ku soo afjarmaya natiijadii iyo isweydiinta cida noolaaneysa iyo cida kale, tani oo weli su’aal ka taagan tahay? waxaana hal heysku ku soo biyo shubanayaa “HOOBA NAAR GELAASO, TIIMBOOY?”

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->