Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka | Afrikada

Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka

Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka oo ay soo diyaarisay wasaaradda haweenka iyo iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Hoos ka aqri qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay faceebook:

Waxaan ka digeynaa in Goleyaasha Barlamaanka la horkeeno sharci kasoo horjeeda shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Umadda Soomaaliyeed!Sharaf iyo Karaamo ayaan u haynaa Wasiiradeena iyo Xildhibaanada Goleyaasha Barlamaanka ee shirkaan fadhiya.

Lkn hindise sharciyeedka ay soo bandhigtay, soona diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee la rabo inla horkeeno Goleyaasha Barlamaanka, wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa Shareecada Islaamka ee ummadda Soomaaliyeed dhammaantood ay aaminsan yihiin.

Sida ku cad qodobka 2aad, faqradiisa 1aad, 2aad iyo 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya: Islaamku waa Diinta Dawladda.

Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.

Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.

Haddaba, hadii aan si kooban u iftiimiyo qodobada Hindise Sharciyeedkaan uga horimaanayo Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Umadda Soomaaliyeed waxay kala yihiin:

Sharcigaan wuxuu weerarayaa guurkii Nabigeena Muxammad NNKH kuna tilmaamayaa xadgudub iyo fal dambiyeed.

Sida ku cad qodobka 27aad ee sharcigaana: Qof kasta waxa uu galayaa fal dambiyeed guursi carruur ah haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaangaar ahayn”.

Da’da qaangaarka ee sharcigaani xeerinayo waa 18 sano sida ku cad qaybta eray bixinta ee hindise sharciyeedkaan iyo qodobka 29aad, faqradiisa 8aad ee dastuurka.

Qof kasta oo gala fal dambiyeedka ku xusan qodobkaana waxaa lagu xukumayaa xabsi aan ka yareyn 10 sano kana badneyn 15 sano”.

Haddaba, maxay diinteenu ka qabtaan arintaan?Sida ku sugan shan kitaab oo ka mid ah kuwa asalka u ah xadiiska Nabigeena NNKH ( Bukhaari (3894), Muslim (1422), Abu daawuud (2121), Nasaai (3378) iyo Ibnu maajah (1876) ) in uu Nabi Muxammad NNKH Caaisha ku guursaday iyadoo sagaal jir ah.

Haddaba in fal dambiyeed loo arko wax Nabi Muxammad NNKH sameeyay waxay meel ka dhac ku tahay sharafkiisa iyo maqaamkiisa mana aha wax uu qaadan karo qof u rumeysan rasuulnimo.

Sharcigaan kala saari maayo nikaaxa sharciga ah iyo sinada (dhileysi).

Sida ku cad qodobka 6aad ee sharcigaan wuxuu si cad u leeyahay: Qof kasta wuxuu galayaa fal dambiyeed ku xadgudub jinsiyeed ah haddii uu fal jinsiyeed la sameeyay oggolaansho la`aanta qof kasta oo kale. Lagama reebin haddii uu nikaax ka dhexeeyo labada qof sida uu tilmaamayo ereyga ‘QOF KASTA’.

Sidoo kale labada aan isqabin hadii fal jinsiyadeed uu dhex maro iyagoo raali iskaga ah iyadana denbi maahan sida meesha ka muuqata. SUBXAANALLAAH!

Sida ku cad Qodobka 65aad, faqradiisa 2-aad ee sharcigaan wuxuu si cad u leeyahay: Xeer kasta ama qodob sharciyeed KASTA oo ka hor imaanaya sharcigaan ama aan waafaqsanayn sharcigaan waa la baabi`iyay, waxaana lagu baddalay qodobbada sharcigaan.

Taasoo micnaheedu yahay in sharcigaan uu si toos ah u laalayo una burrinayo sharci kasta oo aan waafaqsanayn, taas oo aan laga soo reebin Shareecada Islaamka.Haddaba, dooda ka taagan sharcigaan waxaa horay iskaga arkay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Golaha Shacabka, Culimada iyo Wasaarada.

Talo ayaana loo soo jeediyay Wasiirada iyo Wasaaradeeda.

Sidaas daraadeed waxaan kula talin lahaa Wasiiradeena sharafta badan taladii loo soo jeediyay ee ku saabsaneed dulduleelada sharcigaani leeyahay inta dib ula noqoto in ay soo saxdo. Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed na aan dhibaato loo horseedin iyada oo la fulinayo ajandeyaal ay leeyihiin quwado shisheeye.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->