DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore? | Afrikada

DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?

Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum Sheekh Cabdiweli Cilmi yare oo isagu ahaa ninka xarunta HAADDI MUSTAQIIM aasaaasay.

War cusub oo haatan inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xarunta dib u habeyn lagu sameeyay iyadoo goobta lagu caleemo saaray Sheekha Cusub ee xerta hogaanka u qaban doona oo lagu magacaabo Sheekh Cali Baashe “Sheekhul Kuli” kaasi oo sutida u qabtay bartii uu kaga tegay sheekhii hore.

Sheekha cusub ayaa soo dhoweyntiisii waxaa mar qur ah lagu dhuftay cayaaraha fudud iyo kuwa is-ruxitaanka oo xaruntu aad ugu dheereyso.

Waxyaalaha dadka aadka uga yaabiyey ayaa waxaa ka mid ah calanka Faransiiska oo ku soo biiray xarunta kaasi oo si aan caadi aheyn loo ruxayo.

Dadka ayaa isweydiinaya sidee ku dhacday in isla kooxdii ay howsha wado, iyadoo aynu ogsoonnahay in team-kii hore Al-Shabaab ku dishay, hadana waxa aan la ogeyn sida Sheekha cusub ee Sheekh Cali Baashe Sheekhul Kuli uu isku waardiyeyn doono maadaama weli qolyihii hore weerarka u geystay ay xarash u hayaan oo laga yaabo in ay waxyeello mar kale u geystaan xarunta.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

 

QOOB KA CIYAARKII HORE DAAWO: 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->