LA OGAADAY: Maxay Kuwa Metalaya BEESHA HABAR-GIDIR U Diidan Yihiin Dowladnimada Soomaaliya? | Afrikada

LA OGAADAY: Maxay Kuwa Metalaya BEESHA HABAR-GIDIR U Diidan Yihiin Dowladnimada Soomaaliya?

Afrikada, Muqdisho: Waxaa isa soo taraya dadka ay soo wakiisheen beesha Habar-Gidir in ay isku dayeyaan in ay wiiqaan awooda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda hogaamineysa wadanka.

Tusaale waxaa inoogu filan in hogaamiyeyaasha beesha Habar-Gidir ay haatan diyaarinayaan in dowladdu kala dhantaallanto iyaga oo ragga haatan beeshaniu metalaya golaha shacabka ay u muuqdaan kuwo aan ka tarjumeynin rabitaanka shacabkooda rayidka ah ee ay danahooda gaarka ah fiirsanayaan.

Beesha Habar-Gidir ayaa ah mid degta degaannada Galmudug ee dalka Soomaaliya, waxaana hogaamiyeyaasha Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Shaakir ay aad u taageeraan dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay mudane Farmaajo balse waxaa muuqata in rag qowleysato ah oo ay ka mid yihiin Axmed Macallin Fiqi, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), iyo C/raxmaan Cabdishakuur ay yihiin musiibo loo soo diray shacabka Soomaaliyeed, af ku leebleyaal gadaal kaga dheggan dowladdii dalka iyo dadka wax u qaban laheyd.

Beeshu rayidkeeda waa ay daallan yihiin waxaana ay aad uga wel wel qabaan nimankani beesha horboodaya ee aan wax natiijo ah ku kordhin karin dowladnimada Soomaaliya, in ay mucaarad aan waqtigiisa la joogin la yimaadaan mooyee. Xubnahaasi kor ku xusan feker ahaan ma aha kuwo ka fekeraya horumarka iyo nabadeynta dalka.

Shalay iyadoo dadkii la xasuuqay ayaa uu maanta hadal AAD U XUN soo saaray xildhibaan Odawaa oo isaguna daba kacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dalka mucaaradnimo ka bilaabay xilli dowladii dalkaanu lahaa aysan sal dhiganin, waxaana ay ka dhigeen nidaamkii hore u socodka mid u baahan in la wiiqo, iyagoo sumcadda ka dilaya beeshii Habar-Gidir, war yaa shaqsiyaadkani dalka ka qabta? Si dowladdu cadowgeeda isaga dhiciso.

Dadku aad ayey u naxeen waxaana qalad weyn laga fahamayaa beeshani oo iyadu haatan la filayey in ay madaxdeedu noqon doonaan kuwo deggan oo nabadda iyo amniga ka qeybqaata, beesha ayaa leh taliyeyaal milleteri oo runtii hortaagan Al-Shabaab kana tirsan ciidanka xoogga dalka kuwaasi oo aad dareemayso in ay jiraan dad wadaniyiin ah oo beesha Habar-Gidir metali kara, sidaasi oo kale ayaa laga doonayaa in ay xildhibaannaduna ay lex jeclida iska daayaan oo ay dadkooda dhinac ka raacaan, xildhibaan Odawaa oo ka mid ahaa Xildhibaannadii Mooshinka ka keenay madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay sababihii ay la laabteen mooshinkooda, kaddib shir ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho, xildhibaanka hadalkiisa ayaa ahaa mid shacabka aad u jiyad jebiyey.

Waxaa xildhibaanku uu si aad ah u dhaliilay madaxweyne Farmaajo, tani oo dhaliilida madaxweynaha ka dhigeysa in ay dowladdu weli kala dhantaallan tahay.

Madaxweynaha ayaa hore u sheegay in aan lugaha laga qabanin dowladda federaalka loona baahan yahay in cid waliba ay dowladda dalladeeda hoos timaado oo aan la barbar ordin xukuumadda federaalka ah, tani oo aad moodo in xildhibaannadu ku dheelayaan iyagoo iska dhigaya in dalku Mareykanka oo kale yahay oo dimuqraadiyad iyo loo baahan yahay in qof walba waxa uu doono uu sameyn karo, tani oo sii xumeynaysa dalka isla markaana aan wanaag soo kordhineynin.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa iyadu iska qaban karta raggani xun xun inta ay talada heyso, iyadoo aan la weyn doonin dad ka fiican Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur, Odawaa, Fiqi iyo wax la mid ah, waxaana loo baahan yahay in Habar-Gidir dhammaanteed ku xiranto dowladda dhexe, haddii taas la waayana waxaan la weyn doonin dad dhammaantoodba isku raamsada maalin qur ah, inta ay goori goor tahay.

Waxaana wax muuqda ah in haddii ay wiiqi waayaan ay adeegsadaan cadowga Al-Shabaab, iyaga oo mas’uuliyiin dowladda ahna waa ay yeeli karaan sidaas, iyaga oo weliba qaraxyada qeyb weyn ka qaadan kara, mana ahan runtii wax fiican oo maanta dowladnimada Soomaaliyeed ay ku dhismi karto, Alle inuu naga qabto mooyee?! waxaana marag-ma doonto ah in hadii ay xukunka qabtaan xitaa iyaguna uu ku soo bixi doono mid sidooda oo kale u xafiiltama oo isna inkaar qabe ku noqda.

HALKA HOOSE KA DAAWO HADALKII UU MAANTA KU HADLAY ODAWAA? DADKANI MA U EGYIHIIN DAD QARAX KU SOCDO AMA DAGAAL CAALAMI AH OO ARGAGIXISO KU JIRA?

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->