DEG DEG: Sheekh Oongooye oo saaka lagu dilay Muqdisho | Afrikada

DEG DEG: Sheekh Oongooye oo saaka lagu dilay Muqdisho

Afrikada, Muqdisho: Rag hubeysan ayaa Saakay caasimadda Muqdisho waxa ay soo dabagaleen nin wadaad ah oo ka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ninkan ayaa toogasho lagu bilaabay waxaana markiiba goobta ka baxsaday dadkii rasaasta ku furay ninka.

Meydka Sheekh Oongooye ayaa laga qaaday halka loo yaqaan Haanta-dheer degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Nuur wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dilka Marxuumka, isagoo tacsi u diray eheladiisa & dhamaan Shaqaalihii kale ee dowlada isla shaqeyn jireen. Dhanka kale Ustaad Oongooye ayaa katirsanaa macaliminta Jaamacada Daha ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamad Cabdi oo loo yaqaanay (Oongooye).

Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyada toogashada macalin oongooye oo katirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Markiiba waxaa goobta soo gaaray ciidammada dowladda federaalka waxaana goobta laga qab qabtay rag la sheegay in ay dilka wax ka ogaayeen.

SAWIRRO:

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->