Ra’iisul Wasaaraha dalka oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay | Afrikada

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay

Afrikada, Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhaawacyada ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Erdogan Ex-Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan, waxaana uu u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale.

Waxaa uu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo dhaawacyada, isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku dhintay qaraxyadaasi.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamuud oo kamid ahaa mas’uuliyiintii wehlisay raiiusl wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkoda iyo waxyaabihii ay la kulmeen.

“Waxaan soo marnay isbitaalada Madiina iyo Erdogan marka shacabka waxaan u sheegayna in Raiisul Wasaaraha uu u taagan yahay in uu u shaqeeyo shacabka, waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa, waan ka adkaan doonaa kooxahaasi, gacmo wdajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo.” ayaa uu yiri RW Kheyre.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->