Murashaxiinta Puntland Oo ka cabanaya amarro ka soo baxay maamulka Puntland | Afrikada

Murashaxiinta Puntland Oo ka cabanaya amarro ka soo baxay maamulka Puntland

Afrikada, Yemen: Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Musharixiinta maamulka Puntland ay walaac xoogan ka muujinayaan habka ay kula dhaqmaan ciidamada amaanka ee Maamulkaasi, xiliga ay soo bandhigayaan olalahooda.

Musharixiinta ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka xun yihiin in laga hor istaago munaasabadaha ay qabsanayaan xiliyada qaar.

Shalay ayay aheyd markii mid ka mid musharixiinta Maamulka Puntland la sheegay in is hortaag lagu sameeyay Munaasabad uu ku qabsan lahaa Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Dhowaan saraakiisha ciidamada Amniga ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka digayaan in musharixiinta ay hubka la soo galaan Magaalada Garoowe, islamarkaana ay ilaaliyan xasilooniada ka jirta deegaanada Puntland.

Ciidamada amanka ee magaalada Garoowe ayaa heegan sare la geliyay, iyadoona Baaritano ay ku sameynayaan gaadiidka soo gala Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.In ka badan 30 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka puntland.

Bilowga Sanadkan ayaa la filayaa in doorasho Maamulka Puntland ay ka dhacdo magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->