LIVE: Daawo Qaraxyadii Maanta Dhacay Iyo Weriyeyaal iyo Saraakiil dowladda ah oo ku baaba’ay | Afrikada

LIVE: Daawo Qaraxyadii Maanta Dhacay Iyo Weriyeyaal iyo Saraakiil dowladda ah oo ku baaba’ay

Afrikada, Muqdisho: Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo labo ahaa oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo adeegsaday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay.

Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen.

Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaariga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Dadka waxyeelada ay kasoo gaartay weerarkii maanta waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxii Labaad.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhaawac uusoo gaaray xildhibaan Warsame Joodax oo qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa xaqiijiyay in labo ruux oo ka dagay gaariga labaad ee qarxay gacanta lagu dhigay, waxaana mid kamid ah uu watay gacanta ciidamada ay ka wada hadlaan.

Sidoo kale waxaa jira dad badan oo rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

SAWIRO:

 

 

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->