Tump Oo Daneynaya in uu ciidankiisa Mareykanka kala Baxa Afganistaan. | Afrikada

Tump Oo Daneynaya in uu ciidankiisa Mareykanka kala Baxa Afganistaan.

Afrikada, Afghanistan: Dowladda Afghanistan ayaa hoos u dhigtay muhiimadda qorshe la sheegay in lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee dalkaas, ayada oo sheegtay in ciidamada ammaanka Afghanistan ay awoodaan inay dalkooda ilaaliyaan oo ay difaacaan.

Saraakiisha Washington ayaa lagu warramay inay sheegeen in madaxweyne Trump uu ka fakarayo inuu Afghanistan kasoo saaro bar ka mid ah ciidamada Mareykanka ee gaaray 14,000 ee askari.

Ciidamada Mareykanka ayaa qeyb ka ah howl-galka aan dagaalka ahayn ee NATO oo ka kooban 20,000 oo askari oo howshooda koowaad ay tahay inay tababaraan oo ay la-taliyaan ciidamada Afghanistan ee dagaalka kula jira Daacish iyo Taliban.

La-taliyaha sare ee madaxweynaha Afghanistan, Fazel Fazly ayaa sheegay in dhowr kun oo ciidan oo shaqadoodu ay tahay tababar iyo la-talin oo baxa aysan saameyn doonin ammaanka dalkaas.

Qorshaha Mareykanka ayaa la sheegay ijnuu yahay in 7,000 oo askari ay billaabaan bisha Janaayo inay dalkaas kasoo baxaan, ayada oo inta hartayna ay billaabi doonaan bilaha xiga. Weli wax war ah oo arrintan ku saabsan kama soo bixin Pentagon-ka iyo taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->