Madaxweynaha Jabuuti oo bogaadiyey kaalinka Aby Axmed ee gobolka Geeska Afrika | Afrikada

Madaxweynaha Jabuuti oo bogaadiyey kaalinka Aby Axmed ee gobolka Geeska Afrika

Afrikada, Jabuuti: Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaga jira nabadda iyo is-dhexgalka Wadamada Geeska Afrika.

Isaga oo ka hadlaya, kulan Saddex Cisha ahaa oo ay yeesheen Safiirro reer Jabuuti ah iyo Diblomaasiyiin sare, oo Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jabuuti, ayaa wuxuu si aad ah usoo dhoweeyay is-beddelka ka jira Bariga Afrika ee uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed.

Madaxwayne, Geelle, ayaa xusay in ay tallaabadani xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan bariga Afrika iyo in is-afgaradka laga gaaro xaaladaha jira.

Waxa uu sidoo kale aad u soo dhoweeyay, dadaallada haatan soconaya, isagoo ka mahad celiyay dadaallada caalamiga ah ee uu wado Dr Abiyi Axmed, ee ku aaddan Gobolka, oo ay ka mid tahay dedaalka uu ka sameeyay iyo geeddi-socodka is-dhexgalinta ah ee Jabuuti iyo Eritrea.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->